26th April 2024  admin  Category :

 Gaas oo saaka kormeer ku tegey qaybo kamid ah xarumaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 17 September, 2016 kormeer aan caadi ahayn ku tegey qaybo ka mid ah Wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa bannaan ee dawladda Puntland.

Wasaaradihii uu saaka Madaxweynuhu kormeerkiisa ku kala bixiyey ayaa waxaa ka mid ahaa Wasaaradda Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah, Wasaaradda Beeraha iyo waraabka, Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha, Wasaaradda Aminga iyo DDR, Wasaaradda Maaliyadda, Hanti dhawrka guud, Hay’adda Qandaraasyada Puntland iyo xarunta guriga Gobolka Nugaal oo uu ka socdey dhisme iyo dib u dayactir ballaaran.

Madaxweynaha ayaa xilligii uu kormeerkiisa ku marayey xarumahaasi waxa uu  kula kulmay dhammaan masuuliyiintii iyo shaqaalihii xarumahaasi oo shaqooyinkii loo igmaday gudanaya isla markaana Madaxweynuhu waxa uu masuul walba kulan gaar ah kula qaatay xafiiskiisa, isagoona si hoose uga xog-waraystay xaaladda guud ee hay’addaasi.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa salka ku hayey u kuur galka habsami u socodka shaqooyinka ka socda xarumahaasi iyo qaabka ay bulshada ugu adeegayaan masuuliyiinta kala duwan ee ka hawl gala xarumahaasi, kuwaas oo loo igmaday in ay si daacad ah ugu adeegaan dadka iyo dalka.

Sidoo kale kormeerka Madaxweynaha ayaa la xiriirey sidii uu Madaxweynuhu qiimayn dhab ah ugu samayn lahaa qaabka ay bulshada ugu adeegaan shaqaalaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee dawladda iyo sidii uu wax uga ogaan lahaa horumarrada ay gaareen xarumahaasi iyo caqabadaha hor taagan.

Ugu dambayn Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay dhammaan masuuliyiintii uu kula kulmay xarumahaasi in ay dar-dar geliyaan baahinta adeegyada ay bulshada u hayaan iyo horumarinta shaqooyinka baaxadda leh ee loo igmaday.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA  DAWLADDA PUNTALND.

img_7225img_7226img_7230img_7247img_7252img_7255img_7259img_7265img_7273img_7276img_7282img_7286img_7291img_7292img_7295img_7299img_7303img_7311img_7316img_7321img_7326img_7328img_7330img_7332img_7333img_7334img_7341img_7344img_7352img_7365img_7370img_7371img_7373img_7376img_7379img_7382img_7388img_7393img_7398img_7400img_7404img_7414img_7420img_7425img_7426img_7432img_7433img_7436img_7442img_7446img_7449img_7453img_7457img_7462img_7466img_7469img_7475img_7476img_7477img_7482img_7484img_7487img_7491img_7494img_7496img_7502img_7503img_7512img_7518img_7521img_7524img_7526img_7529img_7533img_7538img_7540img_7544img_7550img_7555img_7559img_7561img_7563img_7565

X
by not site

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*