27th April 2024  admin  Category :

Waxaa maalinta Isniinta ah ee bishan 19ka September billaabanaya dhageeysiga dacawadda muranka badda ee u dhaxeeya wadamadda Soomaaliya iyo Kenya. Dacwadan oo ay qaadeeyso Maxkamada Caalamiga ah ee uu  fadhigeedu yahay Hague ee dalkaas Holland.

Badda Soomaaliya in muran la gelliyo waxaa mas’uul ka ahaa dawladdii Shiikh Shariif oo Cumar Ca/rashiidna ka ahaa ra’iisal wasaaare, meesha wasiirada qaar ka mid ahna ay ahaayeen kuwii saxiixay heshiisyadii is afgarad ee muranka lagu gellinayey badda Soomaaliya. Dabcan iibinta badda Soomaaliya waxaa lagu kalla qaatay lacago badan oo musuqmaasuq ah taas oo ah midda maanta dawladda Kenya ka dhigtay mid ku soo dhiiratay baddaha Soomaaliya.

Kenya ayaa dhul baaxad leh waxeey ka heeysataa dalka Soomaaliya; hase ahaatee, maanta waxaa la isugu soo gallay gurigii oo ay madax iyo adeegayaalba ka yihiin dad iyagu dalka u joogga ineey wax boobaan, waxna dhacaan.

Kenya, waqtigan waa mid u diyaar garoowdey maxkamadaas, waxaana ay u dirsatay rag qubarra ah oo u soo dhiciya cadkeeda; hase ahaatee, waxaan la garaneen dhinaca Soomaaliya sidda ay ugu diyaar garoobeen maxkamadaas oo ah mid u baahan hawl badan difaacideeda.

Allsanaag.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*