16th August 2018  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Kulan La Qaatay Golayaasha Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 2 Agust 2018 waxaa uu kulan laqaatay Labada Gole ee Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland kulankan uu laqaatay labada Gole ee Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweyne ku xigenka Dowladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Ra’iisul-wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane. Xasan Cali Khayre iyo Saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Kulankan uu Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas laqaatay labada gole wasiiro oo ka dhacay hoolka Wasaaradda Maaliyada Dowladda ayaa ahaa kulamadii khamiislaha ahaa ee ay yeelan jireen golayaasha Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo looga hadlo xaaladaha guud ee Soomaaliya.

Dhinaca kale kulankii maanta oo aha mid isla xisaabtan ah ayaa inta badan looga hadlay arimaha amniga, dhaqaalaha, arimaha bulshada, la dagaalanka kooxaha argagaxisada, federaaliisamka iyo hanaanka doorashooyinka iyo sidii la isu waafajin lahaa shaqooyinka wasaaradaha Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxyaabahii ugu waaweynaa ee looga hadlay kulankii maanta ayaa waxaa aad loo gorfeeyey saam qaybsiga khayraadka dabiiciga ah iyo sidii si siman loogu qaybin lahaa deeqaha beesha caalamku ugu deeqdo Soomaaliya, iyo weliba sidii loo horumarin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha, islamar’ahaantaana loo taabagelin lahaa dismaha dekedo cusub oo dhaqaalaha Puntland iyo Soomaaliyaba kor usoo qaada.

Ugu danbayn, kulankii maanta ayaa la isla afgartay sidii loo abuuri lahaa jewi degan oo horseeda in hore looga gudbo Soomaaliya halka ay maanta taagan tahay, iyo sidii loo taaban gelin lahaa qaab wada shaqaynayd oo wanaagsan oo keeni kara in la iswaafajiyo hanaanka Dowladdnimo ee Puntland iyo kan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah iyo Golaha Wasiirrada dowlada Puntland ee xubinta ka ah Dowlada Fadaraalka oo uu shir-gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka qabsoomay Garowe.Shirkan ayaa looga dooday qodobbo ay ka mid yihiin; xoojinta midnimada, wada shaqaynta wasaaradaha federaalka iyo Puntland iyo qodobo kale, waxaana lagu heshiiyay:1- Waxaa la bogaadiyay wada shaqaynta wasaaradaha federaalka iyo Puntland, waxaana la soo jeediyay talooyin ku aaddan sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada dhinac.2- Waxaa la isku afgartay in la baahiyo hannaanka afarta tubood (1- Tubta siyaasadda loo dhanyahay 2- Tubta amniga iyo caddaaladda 3- Tubta dhaqaalaha iyo 4- Tubta Arrimaha bulshada) oo ah hannaan ay xukuumadda federaalku ku shaqeyso si loo dardargeliyo dib u dhiska dalka.3- Dardargelinta daadejinta nidaamka Federaalka iyadoo la tixraacayo dastuurka iyo heshiisyada qaybsiga awoodaha iyo kheyraadka.4- In si wadajir ah loo ilaaliyo midnimada dalka.5- Golaha wasiiradu waxa ay aqbaleen in ay ka qayb qaataan dabbaaldegga munaasabadda 20 sano guurada ka soo wareegtay aasaaska Puntland oo la qaban doono 3da bisha Agoosto 2018.6- Ra’iisulwasaaraha iyo wafdigiisa ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo madaxda dawlad gobaleedka Puntland soo dhawaynta hufan ee loo sameeyay.Jibril Qoobey.

Slået op af Jibril Heres i Torsdag den 2. august 2018

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*