19th May 2024  admin  Category :

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane kormeeray Dugsiga Tababarada Ciidamada ee magaalada Badhan.

Dugsiga oo xilligan tababar uu uga socdo cutubyo cusub oo ku biiraya Ciidamada difaaca Dawladda Puntland ayaa waxaa madaxdu ay kuurgaleen xaaladda ciidamada, iyagoo warbixin ka dhageystay saraakiisha tababarka bixinaysa.

Guddoomiyaha iyo weftigiisa ayaa ugu horeyn salaan sharaf ka qaatay ciidamada tababarku uu u socdo, kadibna waxay meel fagaare ah ku daawadeen dhuulatus ay ciidanku soo bandhigeen oo ka turjumaya tababarkii iyo aqoontii la siiyey.

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyey Ciidamada tababarka uu u socdo, wuxuuna kula dardaarmay in casharada iyo aqoonta lasiiyey ay ka faa’ideystaan.

Weftiga Guddoomiyaha ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xasan Shire Cabdi ahna Guddoomiyaha dib u habeynta ciidamada, Wasiirka Wasaaradda Amniga Cabdisamad Maxamed Gallan, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Sarreeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere, Taliyaha Ciidamada Booliska sarreeye guuto Cabdi Xassan Xuseen, Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Sahal, Xildhibaan Axmed Cabdiraxmaan Jaamac, Taliyeyaasha kala-duwan ee Ciidamada ka hawlgala Gobolka Sanaag, Maamulka Gobolka, kan Degmada iyo saraakiil kale.

One thought on “Dugsiga Tababarada Ciidamada ee magaalada Badhan.

  1. Jirac

    Gudoomiye A.Jibril, mashaariic mashaariic mashaariic mashaariic weeye waxa bulshada eena Reer puntland oo dhan u baahan yihiin. Gobalka Sanaag in la dhiso jidka barakaysan Lana dhameystiro, in la bilaabo dekeda kalaymisaga LAASQOREY si loo helo dhaqaale dheelitiran waa lagama maarmaan. In la balaariyo Dekeda Bossaso ma fahmin qorshaha DP oga degaan Dekeda Bossaso, in la dhameystiro Dekeda Garacad, Bilaabida HW #5 Galkacyo Buhodle, Bilaabida Dekeda kaluumaysiga EYL, mudane shaqada idiin taala ma sahlana waa fahamsanahay in dadkanaga walito loo gashanayo shaatiga shaydaanka ee masaajida lagu dilayo dadkayaga mudane Gudoomiye dadkayaga maanta waa wada fahamsayihiin ee hadhumina jihada horumarka Deegaanka iyo nabadgalyadooda inay adkaystaan dhalinteena fahamsiiya in kuwa ula imaanaya sharka ay la’aadaan Deegaan kooda si ayyan keena dib u dhac ugu gets an mudane cadowga dhagertiisa waa in la fahamsiiyaa bulshadeena. Mudane gudoomiye bulshada Shirar u qabo si isku tashiga aynu ku caana maalney oga hirgelo dhamaan puntland mudane haku mashquulina xin hoosaadka oo kaas waxaa tusaale inooku filan las’anod oo Garowe u jirta 60miles dadkayaga looga dhigayo inay cadow u yihiin Arintaas waxay u baahan tahay inaan si fiican inoo fahamsiisaan kana hadashaan mashaariic horumarineedna aad gaarsiisaan. Waligiin wax ha ka sugina UN iyo Dowlado ajnabi ah ee mudane dadkanagaa waxkasta sameysankara ee isku xirka bulshadanada waa in 100% guntiga dhexda loogu xirto si loo nafsi saaro puntland. Mudane sidaad ogtahay Deegaanayada dowladihii horanena wax kama qaban oo markii koonfurta laga soo qaxay waxaad xusuusataa hadaad joogtay meel la jiifsado is ka daaye EBER ZERO bay ahayd oo xoogeey Galkacyo, las’anod baa ugu weynaa magaalooyinka Garowe 43 guri baa ka dhisnaa iyo hotel Nugaal la yiraah. Mudane waa iga baraarujis igana raali ahow ku jihee dadka wadada horumarka waa in laga wacyi galiyaa inaan Deegaankanagu dib ugu dhicin u gashiga shaatiga shaydaanka dadkayguna xaq bay u leeyihiin inay nabad galyadooda ilaashadaan, nabad gelato ku seexdaan kuna soo toosan, Deegaan kooda ilaashadaan horuna marsadaan ee dadaalka 10 jibaaro mudane.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*