26th April 2024  admin  Category :

Markii Ra’iisal Wasaare Rooble loo magacaabay in uu hoggaamiyo arrimaha doorashada iyo amniga doorashada, ma jirin khillaaf u dhaxeeyey isaga iyo madaxweeynaha, balse haddeer maadaama uu noqday qof garab saar la leh qaar ka mid ah musharixiinta su’aal waxeey ka taagantahay sida loo aamini karo dhexdhexaadnimadiisa, waxaana habboon in arrimaha doorashada laga wareejiyo ra’iisal wasaaraha.

Markii uu soo shaac baxay khillaafka ra’iisal wasaaraha iyo madaxweeynaha, ra’iisal wasaaraha waxa uu ku dhaqaaqay arrimo dhawr ah oo aan u wannaagsaneyn doorashada. Sida aan la socono waxa uu awooddii ay lahaayeen guddiga doorashada ku wareejiyey maamul goboleedyada dalka si ay ugu tagri fallaan doorashada. Maanta miyaan maqalnaa guddigii doorashada? Guddiga doorashada waa mid u jira oo kaliya magac u yaal, waana mid aan awood ku laheeyn qaabka ay doorashada u dhaceeyso.

Sidoo kalle, ra’iisal wasaaraha waxa uu qeeyb weeyn ka ahaa caqabadaha hortaagnaa ineey heshiis gaaraan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo kalla hogaaminayey labada garab ee Dirta Waqooyi. Hase ahaatee, Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi waxeey fahmeeyn in ra’iisal wasaaraha uusan aheeyn mid ka shaqeeynaya in la isku soo dhawaado, waxeeyna go’aansadeeyn in iyaga dhexdooda ay heshiis gaaraan, markii ay heshiiyeen kadib, waxeey xafladdii ku casuumeeyn isla ra’iisal wasaaraha oo caqabad ku ahaa heshiiskooda.

Hadaba, maanta maadaama khillaafka ra’iisal wasaaraha iyo madaxweeynaha uu sii xoogeeystay, ra’iisal wasaarahana uu noqday mid mucaaradka garab saar la leh, waxeey taas ka dhigantahay in aan ra’iisal wasaaraha lagu aamini karin arrimaha doorashada, mana noqon karo shaqsi dhexdhexaad ka noqon kara hannaanka ay u socdaan doorashada guud.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*