26th April 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada.

Garoowe : 14, May, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 42 ee May 14, 2020 ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Madaxtooyada ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay : Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Dadaalkooda iyo Kartidooda Ciidanimo oo ay muujiyeen.

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in isbedel lagu sameeyo Taliska Ciidanka.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/Sare Cusmaan Cumar Maxamed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada.

2. Waxaa G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*