26th April 2024  admin  Category :

Ciidanka PSF Puntland oo Howlgallo Ka Sameeyey Buuraha Galgala.

Ciidanka Amniga dowladda Puntland ee PSF ayaa qarxiyay ilaa 4 miino oo Al-shabaab ku aastay Wadada isku-xirta degaannada Balli-khadar iyo Galgala ee gobolka Bari,sida lagu xusay qoraal ka soo baxay taliska PSF.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidanka PSF oo muddooyinkii dambe hawlgal ballaaran ka waday waddooyinka u dhexeeya degaannada Balikhadar,Majiyahan,Maraje,Muguc iyo Ceel Onkod ee buuraha Calmadow ay ku guulaysteen in ay qarxiyaan ilaa 4 miino oo Al-shabaab ay doonaysay in ay ku dhibaatayso ciidamada dowladda Puntland.

Taliska PSF aya sidoo kale sheegay in mudadii ay hawlgal ku jireen ay shacabka degaannaas la yeesheen kulmo wacyi-gelin ah oo ku saabsan gacan-siinta ciidamada difaaca dowladda Puntland ee dagaalka kula jira malayshiyaadka Al-shabaab,waxaana talisku ballan qaaday in ay sii wadayaan hawlgallada ka dhanka Al-shabaab.

SAWIRRO

   

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*