26th April 2024  admin  Category :

Ciidan Gaar ah oo caawa la wareegay ilaalinta Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya

Xarunta Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa caawa la wareegay ciidan gaar ah oo aan ahayn kuwi hore u ilaalin jiray xarunta.

Ciidanka ayaa ah kuwo ka tirtsan Milatariga Soomaaliya gaar ahaan ilaalada madaxtooyada waxaana meesha laga saaray ciidanki hore ugu sugnaa oo ahaa kuwo Boolis ah.

Jawaari Oo la Hadlay Hada Warbaahinta waxaa usheegay in Raysal wasaare khayre bixiyay amarka ah in lala wareego xarunta barlamaanka somalia islamarkaana mooshinka ay wado xukumadaa khayre.

sikastaba arintan ayaa imaaneysa xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Golaha shacabka kadib mooshinka gudoomiye Jawaari.

https://youtu.be/o4yTogP6F2o

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*