26th July 2024  admin  Category :

Jawaari Oo Cunaya Mirihii uu Beeray Sanado ka hor.

 

Image may contain: 1 person Image may contain: 1 person, suit

Soomaalidu intooda badan dib uma eegaan Sooyaalka Siyaasadeed Ee Dalka. Guddoomiye Jawaari waxa uu ahaa Ninkii u diiday Raisal-Wasaare Saacid inuu Barlamaanka iska Difaaco taasoo ahayd Xuquuq Dastuuri ah Kolkii Mooshinkii Xilka looga tuurayay la keenay Golaha Barlamaanka.

Jawaari waa Ninkii sifo Sharaci Daro ah ku qabtay Mooshinkii Raisal-Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed, Waliba aan idin Xasuusiyee, Maalintii Codeynta Ee Xilka laga qaaday Raisal-Wasaare Abdiwali Sheekh, Kolkii Kooramka uu buux sami waayay Waxaa Nairobi laga keenay Xildhibaano halkaas joogay Oo Xataa la hubiyay in aysan Xaadarin Doodihii Mooshinka isla-markaana aan Saxiixin Mooshinka. Haddaba Oday Jawaari Dalka Qaska haka daayo Oo ha Tanaasulo.

Guddoomiye Jawaari waa 78-Jir, Maanta Isaga Iyo Raisal-Wasaare Khayare Oo Xukuumadda Hogaaminaya haddii ay is Qoonsadeen waa inuu is-Casilaa waayo Qof Iyo Xukuumad Waxaa fudud inuu meesha ka baxo Qofka Oo ah Jawaari. Oday Jawaari Ha u Damqado Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Dhalinyarada Oo Dowladnimo u Hamuun qabta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*