26th April 2024  admin  Category :

Beelaha ay ka soo kala  jeedaan Allah ha u naxariistee  Dadkii shalay alshabaab iyo SNM ku dileen buuraha Calmadow.

Maalintii shalay shirqoolkii ay wada sameeyeen Alshabaab iyo SNM ee dadkii Jaadka loo keenay lagu xasuuqay  waxay ka soo kala jeedeen

Beelaha  Axmed Harti,  Tiinle Afar qof ayaa looga dilay iyo hal qof oo ka soo jeeda beesha Gabtaanle.

Beelaha  Majeerteen. waxa shirqoolkii SNM iyo alshabab kaga dhintay sadex qof oo ka soo kala jeeda  Cumar Maxamuud, Ciise Maxamuud iyo Cali saleebaan

Beelaha  Warsangeli waxa weerarka argagixisada Alshabaab iyo SNM soo abaabuleen ee Jaadka lagu oo qariyey   kaga dhintay laba qof oo ka jeeda beesha Dubays

Beesha Dhulbahante hal qof oo ku dhaawacmay weerarkan xulafada alshabaab iyo SNM  ayaa Cisbitaalka ku dhintay

Beesha l’o jir iyagana weerarkan argagixisada waxa kaga  dhintay hal qof.

Weearakii SNM iyo alshabaab soo qaadeen waxa ku dhaawacmay 35 u badan dumar iyo caruur, oo ag joogay meeshii qaraxu ka dhacay .25 ka mid ah waxa lagula tacaalayaa dawayntooda  Cisbitaal ku yaal  magaalada Carmo, Halka Tobon ka mid ah loo qaaday magaalada Boosaaso.

Inta degmada  Ceerigaabo ee gobolka sanaag  ay gacanta ugu jirto  taageerayaasha Alshashabaab dilka iyo xasuuqa  dadka aan waxba galabsan ee ree Puntland waa sii socon doonaa,  Maalinta uu joogsanayo xasuuqa buuraha Calmadow waa maalinta taageerayaasha a alshabaab iyo hogaamiyahooda Ismaaciil xaji Nuur laga saaro degmada Ceerigaabo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*