26th April 2024  admin  Category :

Faroole iyo Dalxa soo ma ahayn mucaaradka madaxweyne Gaas

Burburkii Soomaaliya ka dib,  ayaa Injineer Soomaaliyeed oo bartay cilmiga Korontada wuxuu Koronto gelinayey magaalo ka mid ah magaalooyinka Soomaaliya. Maalin maalmaha ka mid ah  ayaa isaga oo  reer magaaladan degan  Koronto u gelinya waxa loo sheegay in reerkii uu shalay korontada u geliyey iyo reerka cusub oo hadda u gelinayo ee  la deriska reerka cusub ay walaalo yihiin. Warkasi waa farxad geliyey Injineerka, si deg deg ahna wuxuu u aaday ninkii uu shalay Korontada  u geliyey si uu u waydiisto inuu xargaha korontada dul mariyo gurigiisa, oo walaalkiis korontada la gaarsiiyo. Injineerka jawaabtii la siiyey waxay noqoty sidan ” Adeer ninka aad sheegayso salaanta iskama qaadno adno waxaad ddoonaysaa inaad dab ii dul mariso. Hadda sheekadan mid u eg waxay ka dhex  dhici doontaa Madaxweynaha Puntland iyo aqalka Sare. Gaas ayaa oran doona ” warka ninka aad u soo dirteen inuu dhex dhexaadiyo aniga iyo dawladda federaalka salaantaba iskama qaadno

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saaray Liiska wafuuda u tagaya deegaanada maamul goboleedyada xasilinta khilaafka dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

Qoraal uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa lagu magacaabay min 10 xubnood oo ka tirsan Senatarada Aqalka sare iyo labo howlwadeeno ah oo loo dirayo xarumaha maamul goboleedyada.

Wefdiga   umbabaxaya dowlad Goboleedka Puntland uu hoggaamin doono Sen. Cabdiraxmaan Faroole ayaan salaaanta iska qadin madaxweyne Gaas , sidaas awged wa adag tahay inuu heshiis dhex maro Puntland iyo dawladda dhexe

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*