26th April 2024  admin  Category :

Labada Garab ee Dirta Wqooyi oo Gudoomiyaal kala dooray

Khadar Xariir Xuseen ayaa markii 3aad loo doortay Guddoomiyaha Guddiga doorashada Dirta Waqooyi ee weli hannaankeeda uu muran ka taagan yahay, iyadoo ay maqan yihiin xubnaha garabka kale ee ka socday Cabdi Xaashi.

Garabkii kale ee Gudiga Doorashooyinka Dirta Waqooyi ee Cabdi Xaashi soo magacaabay ayaa iyaguna doortay Gudoonkoodii. Guddoomiye waxaa ay u doorteen Suleyman Caydiid Cismaan, Guddoomiye ku xigeenna Cabdishakuur Abiib Hayir

Doorasho goordhow ka dhacday Afisyooni oo ay goobjoog ka ahaayeen 7 xubnood oo ay ku jireen saddexdii xubnood ee Ra’iisul Wasaaraha soo magacaabay ayay iska dhex doorteen Guddoomiye.

Khadar waxaa uu ka mid ahaa xubnihii cabashada laga gudbiyay ee la sheegay inuu ka tirsanaa Hey’adda Qaxootiga Qaranka, inkastoo dib ugu soo laabtay.

Doorashadaan ayaa timid ka dib markii garabkii Cabdi Xaashi maanta aysan soo xaadirin sababo la xariira tabasho ay qabeen.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray doorashada maanta, waxaana goobta ay ka dhacday ku sugnaa Wasiiro iyo xubno ka socday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*