26th April 2024  admin  Category :

Weriyaasha iyo Farshaxanada Koonfurta Soomaaliya aqoon daro weyn  ayaa ka haysta gobolada waqooyiga Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay dawladda federaalka Soomaaliya  oo  ay kaga hor timid ka hortimid in la sii wado naas nuujinta  gaarka ah ee Beesha Caalamka kula macaamili jirtay Somaliland ee deeqaha lagu siin jiray, oo Bulshada Soomaaliyeed intooda badan ay  soo dhoweeyeen ayaa warbaahinta Koonfurta Soomaaliya waxay soo qorayaan sidan ” Arrintan ayaa cirka ku sii shareereysa xiriirka cakiran ee dowladda Federaalka kala dhaxeeya Somaliland, isla markaana ay horseedi karto in Somaliland ay sii fogaato.

Hadaba waa ayo Somalilandta doonaysa inay sii fogaato oo ku dulman waqooyiga Soomaaliya?

Lacagta Caalamku ku bixiyo magaca Somaliland

Hargaysa oo ka mid ah degmooyinka Waqooyi galbeed waxay ka heshaa deeqaha Caalmka % 46. Waxa dega Dirta waqooyi

Berbera oo ka mid ah degmooyinka  waqooyi galbeed  saamiga ay ka hesho deeqaha caalamku ku bixiyo Somaliland waa % 14. waxa dega Dirta waqooyi

Gabiley oo ka mid ah degmooyinka gobolka Waqooyi galbeed lacagta Caalamku ku bixiyo magaca  Somaliland wuxuu ka helaa %9

Gobolka Togdheer lacagta Caalamku ku bixiyo magaca  Somaliland wuxuu ka helaa %16.  Waxa dega Dirta Waqooyi

Gobolka Awdal lacagta Caalamku ku bixiyo magaca  Somaliland wuxuu ka helaa %5. Waxa dega Dirta waqooyi

Gobolka Sool lacagta Caalamku ku bixiyo magaca  Somaliland wuxuu ka helaa % 5. waxa dega beesha Daarood.

Gobolka Sanaag Lacagta Caalamku ku bixiyo magaca  Somaliland wuxuu ka helaa % 5. Degmooyinka ugu badan waxa degan beesha Daarood, hase ahaatee %5 waxa la geliyaa Yufle, Ceerigaabo iyo Ceel Afweyn

Marka laysku daro beelaha daarood ee dega waqooyiga Soomaaliya  lacagta Caalamku ku bixiyo magaca  Somaliland waxay ka helaan 4%

Degaanada ay degto beesha Habar Awal ee uu ka soo jeedo Muuse Biixi waxay ka helaan deeqaha caalamka %69

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*