16th April 2024  admin  Category :

Akhriso maamulka SNM oo u calaacalaya Qaramada midoobey

Madaxweynaha maamulka SNM gacan ku dhiigle  Muuse Biixi  ayaa Warqad cabasho ah oo uu kaga jawaabayo qoraal uu Ergayga QM ee Soomaaliya Michael Keating kasoo saarey Dagaalka Tukaraq una diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres.

Qoraalkan oo kaso baxday Xafiiska  Muuse Biixi 18-kii bishan June ayaa loogu sheegay António Guterres in Somaliland aysan ku faraxsanayn qoraalka Keating oo uu maamulka Muuse Biixi u aragto inuu ahaa mid dhinac u janjeera.

Maamulka Muuse Biixi ayaa ka caroodey inuu Keating la barbar dhigay Puntland, oo uu ku sheegay baaqii uu kasoo saarey xaaladda gobolka Sool in labada maamul looga baahan yahay inay kawada shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya iyo inay ka qeyb noqdaan hanaanka dowlad-dhisida dalka.

Keating ayaa qoraalkii uu kasoo saarey dagaalka Tukaraq 10-kii June ugu baaqay Somaliland iyo Puntland inay joojiyaan colaadda, islamarkaana labada dhinac ay wadahadal ku dhameeyaan khilaafka keenay gacan-ka hadalka.

Somaliland ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso Baaqa Keating ee ah in dagaalka la joojiyo, la wadahadlo, islamarkaana kaalmooyinka bini’aanimo loo ogolaado inay gaaraan dadka ku dhibaateysan deegaanada ay colaadda ka taagan tahay.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Keating uu la wadaagey aragtida Somaliland ee ku aadan Tukaraq markii uu booqashada ku tagey Hargeysa, kuna kulmeen Madaxtooyadda 14-kii May ee sanadkan, xilligaasi oo ku wargeliyeen in cida ay dagaalka kula jiraan aysan ahayn Puntland.

Muuse Biixi ayaa qoraalka uu u diray Guterres ku yiri isagoo ka hadlaya colaada Tukaraq “Marka laga hadlayo dagaalka Somaliland iyo Somalia ee Tukaraq, waxaan rabaa inaan sheego in Somaliland ay 70-KM u jirto xuduuda Somalia ee la sameeyay 1894 xilligii gumeysiga,”

Muuse Biixi ayaa ku celisay mar kale in cida ay kula dagaalamayso Tukaraq ay tahay dowladda Federaalka Soomaaliya, hadii ay timaado in la wadahadlana ay kaliya kala hadlayaan dawladda Muqdisho, isagoo meesha ka saarey in Puntland uu la hadlayo wax ka dhaxeeyana aysan jirin.

Akhriso qoraalka Muuse Biixi iyo kii uu ka carooday
38b

38b1

38b2

38b3

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*