26th April 2024  admin  Category :

 

Boosaaso:Horaantii 2005 ayaa Maamulkii Puntland oo uu Madaxweyne ka ahaa Cadde Muuse wuxuu magcaabay Sadex Gobol oo kala ah Karkaar,Cayn iyo Haylaan.

 

Sadexdan gobol Maamulkii markaa jiray ma rabin inay wada hirgalaan, laakiin ujeedada ugu weynayd uu  ka lahaa waxay ahayd si loo siin lahaa Gobol u gaar ah  Beeshii uu ka soo jeeday Madaxweynihii markaa xukumaayey Puntland cade Muuse.

 

sadexdan gobol dhawaaqistooda wax yar ka dib,Gobolka Karkaar waxa loo sameeyey’

 

1-Karkaar waxa loo sameeyey soohdimo ama xuduudo uu la wadaago gobolada la dariska ah sida Bari Iyo Nugaal

 

2-karkaar waxa loo sameeyey Degmooyin hoos yimaada sida Qardho oo  Caasimad looga dhigay,Bander Bayla,Xaafuun,Iskushuban,Waaciye,Xidda, iyo Rako intaas oo degmo waxa loo magcaabay Gudoomiyaal Degmo oo Mushahaar ka qaata Puntland.

 

3-Karkaar Wax yar ka bacdi wuxuu ka mid noqday Gobol ka hir galay Puntland  kan hela miisaaniyad canshuurta puntland.

 

Halka Gobolka haylaan

 

1-Ma laha soohdin isaga iyo Sanaag

 

2-Ma cada Degmooyinka hoos yimaada

 

3-Ma jiro gudoomiye Gobol oo ku magcaaban

 

4-ma jiro wax miisaaniyad ah uu ka helo dawlada Puntland tii ugu danbaysana waxay ahayd tii abaarta.

 

Ugu danbayntii Gobolkan Haylaan, oo ayna aqoonsanayn qaar ka mid ah Madaxda  Puntland, maanta ciidamadiisii waxau joogaan Ufayn si ay u kala dhex galaan labada Beelood oo walaalaha ah oo halkaa xurguftu ku dhex martay , tasina waxay kuu cadaynayasaa in Dadka Reer Sanaag iyagu yihiin Puntland ee Puntlanad tahay gobolo gaar ah,

 

Allsanaag.com  Khaalid1970@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*