2nd January 2025 admin Category :
Wakaaladihii wararka Qaranka Soomaaliyeed sida SONA , Radiyo Muqdisho iyo SNTV, waxa laga dhigay warbaahin magac beeleed ku waranta. Maanta oo ahayd in wasiirka warfaafinta Soomaaliya Yariisoow in uu arintan wax ka qabto oo sameeyo warbaahin umadda Soomaaliyeed oo dhan u wada dhaxaysa ayuu bilaabay inuu bililiqaysto magac Warbaahin gaar loo leeyahay oo shaqaysa, laguna magcaabo Somali Broadcasting Corporation oo ah warbaahin xor ah . Mulkiilaha warbaahintan ayaa lagu magcaabaa Cali Cabdi Awaare
Cabdiraxmaan Yariisoow, ayaa horay madax uga ahaa urur la oran jiray Hawiye Concern Group, waqtigii Cabdulaahi yuusuf Soomaaliya madaxweynaha ka ahaa . Yariisoow iyo asxaabtiisu maalmahaa ma xasuusnaym magaca Somali.
Dowladihii hore Ee Soomaaliya waxa ay lahaayeen Idaacadii la oran jiray SBS, Soomaali Broadcasting Service Oo la Aasaasay 1963, Waxaa Madaxa ka ahaa AUN Siyaasi Maxamed Abshir Walde