26th July 2024  admin  Category :

Yariisoow oo ku amray Muse Suudi Yalaxow in uu ka guuro Xarunta Marina

Ra’iisal Wasaare Kheyr  Xassan Kheyre ayaa waxa uu ku amray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng Yarisow  in uu si deg deg ah uga saaro dadka ku jira  dhulkii ciidamadii Badda Soomaaliya iyo gurigii taliyaha ciidamada Badda ee degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Eng  Yariisow oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa aqriyay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa, oo lagu amrayo dhamaan dadka degen dhismaha xaruntii ciidamada Badda Soomaaliya. Yarisow ayaa amar ku bixiyay in Muuse Suudi uu k baxo dhulka uu ka degan yahay Ciidanka Badda.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu ku amrayo dhamaan dadka degen inay sida ugu dhaqsiyaha badan kaga baxaan dhismahaasi, isaga oo sheegay in loo badalay dhul Diblumaasiyadeed, maadaama uu ahaa dhul dan guud ah.

Ma cadeyn waxa uu kaga jeeday Dhul Diblumaasiyadeed, balse wuxuu amray in dhamaan dadka degen ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga guuraan, isaga oo sheegay in arintaan qeyb ka tahay in safaaradaha loo asteeyo meelo qurxoon.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*