7th September 2024  admin  Category :

Guddoomiyaha kumeel gaarka ee baarlamaanka ayaa dhaariyey xubno lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq. Guddoomiyaha oo da’ahaan lagu qiyaasay shakhsi ku socda 90ka ayaa u dhaqmay si aan habbooneen kadib markii uu qol ku dhex dhaariyey xubno aan la soo marin sifo sharci ah.

Heshiiskii la gaaray September 17keedii waxa uu dhigayey in magaalada Garbahareey ay tahay meesha labbaad ee lagu qabanayo doorshada Jubaland, waxaana saxiixay heshiiskaas madaxweeynaha Jubaland Ahmed Madoobe oo qeeyb ka ahaa shirkii heshiiska lagu saxiixayey.

Hadaba labbadda doorasho ee iska soo horjeeda ee lagu kala qabtay magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey ayaa ah kuwo dhinac marsan wixii lagu soo heshiiyey. Hase ahaatee, waxaa la filayey in guddoomiyaha kumeel gaarka ee baarlamaanka in uu ka hor imanayo doorashooyinkaas aan sharciga aheeyn, balse wuxuuba qeeyb ka noqday mushkiladda isaga oo taageeray dhinaca qolyahihii doorashada ku soo qabsaday Ceelwaaq.

Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ayaa sida la sheegay qaatay lacago laaluush, waana midda keentay inuu xeerin waayo waxba, waxa uuna ku tallagalay labbadda cisho ee uu joogo in uu sii sarifto.

Si kastaba ha ahaatee 16ka kursi ee lagu soo doortay Ceelwaaq iyo 16ka kale ee Iyana lagu soo doortay Garbahaareey, ayeey tahay in aan loo oggolaan fadhiga lagu soo dooranayo guddoomiyaha cusub maadaama aysan heeysan wax sharciyad ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*