26th April 2024  admin  Category :

Yaa mudan Dagaal oogayaasha iyo Dhakhaartiita Soomaalida in talaalo?

Ceebta ugu weyn ee maanta Caalamka ka jirtaa oo laysku canbaareeyo waa adiga oo ka dul booda dadkii mudnaa in la siiyo talaalka Cobvid19, oo safka hore ugu jira talaalkaas sida Dhakhaatirta, Kalkaaliyaasha caafimaadka, dadka d’ada ah iyo Macalimiinta.

Soomaaliya waa ka duwan tahay caalamka intiisa kale, Muqdishona sidii dhaqanka u ahayd sadbursiga Soomaalida inteeda kale waa la sharciyeestay

Dhowaan Soomaaliya waxa la keenay oo loogu deeqay Talaalka Covid 19 ee loogu talo galay Soomaali oo dhan, waxayna ahyd in marka hore la talaalo dadka safka hore ugu jira la dagaalkan xanuunka dilaaga ah ee COVID19, si ay u bad baadiyaan Bulshada inteeda kale

Sawirka Muqdisho ka imanaya waa mid ka duwan sawirada caalamka intiisa kale, waxaadna ku arkaysaa dhalinyaro caafimaad qabta oo talaalka qaadanaya, halka Soomaaliya inteedii kale dadkii mudnaa talaalka Covidka oo Bulshada inteeda kale badbaadin lahaa ayna helin talaalkaas oo Mooryaanta Muqdisho qaybsadeen.

Tusaale magaalo ka mid ah gobolka Sanaag shalay dad ugu geeriyooday Covidka, naqaskii ayaa ku dhegay, oo haba yaraatee ma ool Mishiin ay ku neefsadaan iska daa Talaal ay qaateen Kooxdii Caafimaadka oo doonayey inay dadkan bad baadiyaan. Sida la sheegay Guryo gaar ah oo Muqdisho ku yaal Mishiino neefta dadka siiya oo Soomaali oo dhan loogu talo galay ayaa yaala , si ay dad gaar ah ay u isticmaalaan

Ugu danbayntii waxa Muqdisho ka socdaa waa ka weyn tahay Ceeb. waana denbi in Dhakhaartii gobolada aan la talaalin oo Mooryaantii Muqdisho oo qaarkood horay u ahaayeen dagaal oogayaalna la talaalo, Szasbtuna ay tahay muqdisho ayeey ka soo jeedaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*