28th March 2024  admin  Category :

Beelo reer Maakhir ah oo la doonayey in madaxa laysugu dhufto

Allah ha u naxariiste Cabdiwahaab Cawil, oo  watay gaari Land Cruiser islamarkaana ka yimid dhanka Ceeldaahir , ayaa Habeenkii xalay dablay hubaysani Dil ugu gaysteen jidka u dhexeeya Cawsane iyo Midigale ee Gobolka Sanaag

Cabdiwahaab, waxa wada dilay shan Dabley ah oo wada socday, kana soo jeeda degmada Qandala. Dablaydani dilka ay gaysteen waxa ka sii darnaa inay ka dhigayeen in dilka ay gaysteen dad ka soo jeeda Beesha Gaashaanbuur ee Warsangeli , ninka la dilayna waxa uu ka soo jeeday Beesha Dubeys ee Warsangeli.

Dablayda ninka dishay ayaa si ay isugu ekaysiiyaan inay yihiin dadka wax dilay Gaashaanbuur waxay u carareen dhanka Buraan iyo toggaga Beesha Gaashaanbuuri ay degaan.

Markii ay Marxuumka dileen oo ay meesha ka carareen , qofkii ugu horeeyey ee meesha Yimaada waxa noqday Sarkaal Puntland ah, oo la wada yaqaan oo safar ah oo ka soo jeeday Degaanadan.

Markiba dib ayuu u laabtay, wuxuuna u kacay dhinicii ay u baxsadeen Dablaydu.

Hadda waxa gacanta lagu hayaa oo Buraan agteeda lagu soo qabtay labo ka mid ah dablaydii dilka gaystay, gaari iyo sadex Qori. Sadexddii kale weli waxay ku dhuumaalaysanayaan buuraha, dadka qaarkiina waxay leeyihiin Carmo ayeey galeen.

Image may contain: car and outdoor

Ugu danbayntii Soomaali badan ayaa sidan oo kale dagaal dhexdooda looga riday , oo iyaga oo wax hubsan beeshii kale dad ka dilay , welina ay aano Qabiil isku dilayaan. Hadaba waxa is waydiinta leh Togga Jiinsame ma laha Internet, wax yar markii dilkani dhacay websityada Koonfurta Soomaaliya qaarkood ayaa lagu soo qoray in shilkani dhacay . Sidee Dablaydani hubaysan ula xiriireen Websityada WARQAAD IYO Caasimadda haddii ayna Dablaydu Internet ku haysan Toggaga Jiinsame iyo Durdur. Arintan oo kale ha laga digtoonaado, nimankan wax dilay wax badan ayeey ogyihiina waa in Baaritan dhab ah lagu sameeyaa

Allsanaag.com, news@ALSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*