26th July 2024  admin  Category :

Guddoomiyaha Baarlamaanka Adduunka ayaa maanta loo doortay Tulia Ackson oo ka soo jeeda dalka Tansaaniya. Xildhibaanad Marwo Bashiir ayaa waxa tartankeedii qalqal geliyey warqadii uu qoray Guddoomiya Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shikh Aadan Madoobe ayaa waraaq uu u qoray dhawaan Baarlamaanka Adduunka, wuxuuna warqadaas ku sheegay in Soomaaliya ay ka tanaasushay tartanka Madaxweeynaha Baarlamaanka Adduunka.

Markii waraqadda ay soo gaartay Baarlamaanka Adduunka, ayeey u yeereen Xildhibaanad Marwo Bashiir oo iyadu u tartamaysa kursigaas, waxaana la weeydiiyey in ay ka tanaasushay kursigii ay u tartamaysay iyo in kale, balse waxeey sheegtay in ay welli tartamayso, warqadda la soo dirayna aysan waxba ka ogayn.

Xildhibaanad Marwo Bashiir ayaa sheegtay in Guddoomiye Aadan Madoobe uu iyada been ka sheegay, warqadda uu soo qorayna uu ku sheegay in ay iyadu codsatay ka haridda tartankaas.

Hadaba waxaa is weeydiin leh, haddii guddoomiyihii uu dadka been ka sheegayo sidee ayuu dal guddoomiye ugu sii noqon karaa?

Hadii guddoomiyihii uu ajnabi kale taageerayo, shacabka Soomaaliyeed guddoomiye ma u sii ahaan karaa?

Hadii guddoomiyihii uu caalamka u tusay Soomaali ineey musuqmaasuq ma’ahee aanay wax kale garanayn, sharaftii dalkana uu ku ciyaaray, dalka ma u sii ahaan karaa guddoomiye baarlamaan?

Hadaba hadii Soomaali ay doonayso in ay horay u socoto, waa in Guddoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe xilka laga qaadaa, hadii kale, sharci iyo kala danbayn lama helli doono. Maanta, qof kasta oo wax qariba, wuxuu ogyahay in aan cidina la xisaabtamayn, dal horumarkiisa waxa uu ka billoowdaa isla xisaabtan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*