14th August 2022  admin  Category :

Sheekada raqiiska ah ee 31, ee  laga been sheego Siyaad Bare  yaa Bixiyey?

Waxa Jirta sheeko kutiri kuteen ah oo la sheego in Allah u naxariistee Maxamed Siyaad Bare uu u bixiyety Beesha Warsangeli, Sheekadan ayaa waxa lagu magcaabaa  “31”

Hadaba si aan arintan u ogaano xaqiiqdeeda  ayaan waxaan bilownay  baaritaan dheer oo Ku raadinayno arintan runteeda iyo meesha uu  asalkeedu ka soo jeedo,  cidda soo aliftay iyo halka laga soo alifay.

Marka hore laba arimood ayaan culayska baaritaankayaga saarnay, oo kala ah:

1- Allah ha u naxariistee in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxameed Siyaad Bare  uu aflaagaadayn jiray beelaha Soomaaliyeed xitaa kuwooda Mucaaradka ku ahaa. Ilaa hadda lama hayo cod mid duuban iyo mid fagaaro ah oo Maxamed Siyaad Bare ku aflagaadeeyey beel Soomaaliyeed xitaa markii uu dagaalka kula jiraya 1978 iyo 1988.

2- Arinta labaad,  waa  siduu  u galay Siyaasiyiintii iyo Generaaladii beelihii kale ee Soomaaliyeed. Beelaha Abgaal, Isaaq iyo Majeerteen dhamaantood  wuxuu ka dilay ama ka toogtay  siyaasiyiintii iyo Saraakiishii ugu caansanaa. Tasina waxay kuu cadaynaysaa in Siyaad Bare uuna ahayn qof aflagaadooda ama Caytama ee uu ahaa mid  bar tilmaamaysan jiray halka uu ka xanuunsanayo Cadwgiisu iyo fariinta uu diri jiray oo aan jileec ka muuqan jirin.

Hadaba Beesha Warsangeli oo lahaaa Siyaasiyiin caan ah sida  Taliyahii  Ciidanka Booliiska iyo Wasiirkii Qorshanta maalintii uu Siyaad Bare Soomaaliya  ku qabsaday Inqilaabka haddii ay ahaayeen “31”,  ma lahaa awood uu ku dilo siyaasiyiinta iyo Generaalkii Reer Maakhir sida beelihii kale ee Soomaaliyeed. Jawaabtu waa:  siyaad Bare wuxuu ahaa arday Taariikheed, sida la sheegayna si fiican u yaqaanay  taariikhda Saldanada Warsangeli  kuma deg degin arintaas mana samayn. Wasiirkii iyo Generaalkii Warsangeli Allah ha u naxariistee labaduba  waxay ku dhinteen Cisbitaal.

Hadaba arintan “31” Xagee ka timid yaase soo alifay

Arinta Warsangeli waa Bisha kow iyo sodonkeeda,  waxa laga soo alifay oo asalkeedu ka yimid sida ay dad badano noo xaqiiyeen Guri uu lahaa  wasiirkii hore ee arimaha gudaha Soomaaliya Axmed Saleebaan Cabdale. Sheekadana waxa aliftay Koox iska gadaysay Siyaad Bare

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*