13th September 2024  admin  Category :

Xoolo aan wadan warqaddii ictiraafka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo dib loogu soo celiyey Berbera

Markab u rarnaa Ganacsatada beeha Isaaq oo labaatan Kun oo Neef oo adhi ah geeyay Dalka Sacuudiga ayaa dib loogu soo celiyay Dekedda Berbera ee gobolka waqooyi galbeed ee Soomaaaliya kadib sida la sheegay markii la weydiiyay ee laga waayay Warqadii Caafimaadka Xoolaha Ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya.

Markabkan oo magaciisa lagu sheegay MV-FAHAD ayaa maalin saddexaadii ka baxay Dekeda Berbera isagoo 20- kun oo Neef oo adhi ah sida, islamarkaana markii uu gaadhay Dalka Sacuudiga la waydiiyay Warqaddi Caafimaadka Xoolaha ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dawladda Soomaaliya, markii laga waayayna waxa amar lagu siiyay inuu xoolaha ku celiyay halkii uu kasoo qaaday ee Berbera.

Dhawaan ayuu dalka Sacuudigu shaaciyay in dhamaan Xoolaha uga tagaya Soomaalida oo ay kujirto SNM inay dalkiisa ku soo gali karaan oo qudha ogolaanshiyaha warqaddaCaafimaadka ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya, taasi oo qudhana uu aqoonsan yahay,

Arintan ayaa fajiciso ku noqotay Ganacsatadii Xoolahan lasoo celiyay Lahaa, waxaanay markabkan saaka Wasaaradda Beeraha Iyo Xoolaha ee Sacuudigu u soo jartay Warqaddii soo celinta, iyadoo sida lanoo xaqiijiyay uu markabkaasi iyo adhigii uu siday ay kusoo jeedaan Dekeda Berbera.

Sidoo kale waxa uu caawa walaacii ugu cuslaa soo food saaray Ganacsatada Boqolaal Kun oo neef oo adhi ah oo ku xeraysan Maxjaradda Dekedda Berbera kuwaasi oo u diyaarsanaa in iyagana loo raro dhinaca Dalka Sacuudiga. Majiro wax war ah oo rasmi ah oo Markabkan ku saabsan oo Kasoo baxay dhinaca SNM.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*