26th July 2024  admin  Category :

Xoghayihii Wasiirka Dekedaha Puntland oo Ku Dhaawacmay Iska Hor Imaad ka Dhacay Boosaaso.

Xoghiyii Wasiirka Wasaarada Dekeha,Gaadiidka Badda iyo La Dagaalanka Burcad badeeda Puntland Mudane.Maxamuuf Cali Dhuxul ayaa ku dhaawacmay Israsaaseyn Dhex martay Ilaalada Wasiirka Dekedaha iyo Taliyihii Shaqada Laga Joojiyey ee Qeybta Booliiska Gobolka Bari Mudane.C/xakiin.

Dhaawaca soo gaaray Xoghaya ah ayaa ah mid sahlan oo dhanka Madaxa Ah,waxayna xaaladiisu tahay Mid aan khatar ahayn.

Magaalada Boosaaso ayaa waxa xiligan laga dareemayaa Xiisad Siyaasadeed oo u dhaxaysa Taliyaha Shaqada Laga Joojiyey Ee Qeybta Gobolka Bari iyo Wasiirka Dekedaha,Duqa Degmada Boosaaso,Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland,Gudoomiyaha Gobolka Bari oo Isku Dhinac Ah.

Sidoo kale waxa Magaalada ku sugan wafdi Magaalada Garoowe ka yimid,kuwaas oo Gudiga Nabadgelyada G.Bari  ku Cadaadinaya inay go”aankii Shaqajoojinta taliyaha ka laabtaan,walow gudiga Nabadgelyadu ay diideen.

Axmed-Joocaar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*