26th July 2024  admin  Category :

Ubax Cabdullaahi Abshir ayaa loo magcaabay Xooghayaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka Puntland

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, ayaa Maanta oo Talaado ah magacaabay Xoghayaha Guud ee Guddiga, kadib kulan ay ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Garoowe.

War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga, oo ku taariikhaysan 14 April 2020 ee ku beegan Maanta, ayaa lagu sheegay in Xoghayaha Guud ee Guddiga Doorashooyinka Puntland loo magacaabay Ubax Cabdullaahi Abshir.

Jagada Xoghayaha Guud ee Guddiga, waxaa horay u hayay Liibaan Saalax Maxamuud (Gegiroor) oo xilkaasi loo magacaabay 24 November 2016, islamarkaana la soo shaqeeyay Guddigii hore ee Doorashooyinka Puntland.

Gabadha haatan loo magacaabay Xoghayaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, waxay Shahaahada Heerka Labaad ee jaamacadda ka haysataa Dhaqaalaha iyo Maamulka Dowladda, waxaana ay in ka badan 15-sannadood la soo shaqeysay Hay’ado Dowladeed iyo kuwa gaar loo leeyahay.

Image may contain: text

Allsanaag.com, news@allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*