27th July 2024  admin  Category :

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa maanta kulan la qaatay xoghaye ku xigeenadda iyo Agaasime waaxeedyada Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa ahaa isbarasho iyo xog-wareysi la xarriira shaqada ay qabtaan waaxyaha kala duwan ee Golaha Shacabka BJFS.

Xoghayaha iyo Agaasime waxeedyada ayaa isla falanqeeyey sida hufan ee looga wada shaqeyn karo horumarinta Golaha Shacabka waxaana uu xoghayaha guud ee golaha sheegay in uu ku kalsoonyahay aqoonta iyo kartida Agaasime waaxeedyada iyo howlwaddeennada golaha,sidoo kalena howlwaddeennada la siin doono tababaro aqoontooda iyo tayadooda kor loogu qaadayo.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri oo ahmiyad gaar ah siinaya in Goluhu yeesho adeegyo caafimaad oo tayo leh ayaa adkeeyey in la xoojiyo sidii uu golaha shacabka u yeelan lahaa qeyb u gaar ah Adeegyada Caafimaadka, kaas oo loogu tala galay adaxda iyo shaqaalaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*