7th September 2024  admin  Category :

Xoghayaha guud ee golaha shacabka BJF oo ka mid noqday guddiga fulinta Midowga Xoghayayaasha Baarlamaannada Carabta

Xoghayaha guud ee Golaha Shcabka Baarlamaanka JFS Mudane Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle (Jaabiri) ayaa loo doortay xubin ka mid ah Guddiga fulinta Midowga xog-hayayaasha Baarlamannada Dowladaha xubnaha ka ah Carabta.

Sidoo kale, Xoghayaha ayaa ka qeyb galay Kulanka 42-aad ee Golaha Xoghayayaasha guud ee Baarlamaannada Carabta, kaas oo ka dhacay magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq.

Kulankan oo barbar socday meertada 34-aad ee Baarlaannadda Carabta oo socon doona Febraayo 25-26, ayaa xoghayeyaasha waxa ay iska  doorteen saddex xubnood oo guddiga fulinta ka mid ah, waxaana xubnahaasi ka mid noqday Soomaaliya, Al Jeeriya iyo Ciraaq.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*