7th September 2024  admin  Category :

Hay’adda la socota dhaqdhaqaaqa maraakiibta iyo amaanka badda lagana leeyahay dalka Britain laguna magacaabo Ambrey ayaa sheegtay in markab maraayay xeebaha Soomaaliya ay koox hubaysani la wareegeeen.

Sidoo kale Hay’adda La socodka Howgalada Ganacsi ee Badda ee Ingiriiska ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaanno (UKMTO) ayaa iyadana sheegtay in gacan ku haynta markabka lagula wareegay meel dhanka bari kaga beegan magaalada Muqdisho 600 oo Nautical Mile oo dhiganta 1,111 KM.

Ambrey waxay sheegtay in tirada dadka markabka la wareegay ay dhanaayeen 20 qof, markabkuna uu watay calanka dalka Bangladesh. Isagoo kusii jeeday magaalada Hamriya ee dalka Imaaraadka Carabta kana yimid Caasimaddda Maputo ee dalka Mozambique.

Xaalka shaqaalahii markabka saaraa ayaanse la ogeyn siduu yahay, waxanaa jira warar is khilaafsan oo sheegaya halkeey aadeen. Ayay warbixinta ku sheegtay Ambrey.

kala kulmaya weerar joogto ah Xuutiyiinta Yemen.

Qabsashada markabkana waa kii labaad ee sanadkaan lagasoo tabiyo xeebaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*