26th July 2024  admin  Category :

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis kale oo cusub la gashay shirkad kale oo Mareykan ah, taas oo shidaal kasoo saari doonta xermooyin shidaal oo ku yaala Soomaaliya.

Shirkadan cusub oo la yiraahdo Liberty ayaa shaacisay heshiiska ay la saxiixatay Wasiirka Macdanta iyo Batroolka, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Qaranka.

Shirkada ayaa sheegtay in uu heshiiskan yimid kadib yadadiilada laga qaaday saliid iyo gaaska ganacsi ee laga helay dalalka kale ee Bariga Afrika ee Kenya, Uganda, Tanzania iyo Mozambique.

Arrinkaas ayaa horseeday in shirkadaha saliiddda ayay dib u qiimeeyaan rajada batroolka ee dalalka geeska Afrika.

Madaxa Shirkadda Shidaalka ee Liberty Lane Franks ayaa sheegay in heshiiska ay la saxiixdeen dowladda Soomaaliya uu yahay natiijada wada-xaajoodyo dabo-dheeraa oo socday muddo dhan toban sa

Waxa uu heshiiskan ka dhigan yahay iyo waxa ay qaban doonto shirkada shidaalka Mareykanka

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa heshiiska la saxiixday Madaxa Shirkada Shidaalka ee Liberty Petroleum Lane Franks

warbixin ay soo saartay dowladda Mareykanka oo sheegeysa in Soomaaliya laga yaabo in ay haysato keyd shidaal iyo gaas gaaraya ugu yaraan 30 bilyan oo fuusto.

Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin heshiiskan oo ay shirkada Mareykanka ee Liberty shaacisay.

Turkiga ayaa dhawaan Soomaaliya la saxiixday heshiis iskaashi oo taariikhi ah March 8, 2024 kaas oo khuseeya sahaminta iyo horumarinta shidaalka iyo gaasta dabiiciga ah ee xeebaha.

Turkiga ayaa sanado badan khibrad u leh sahaminta tamarta badda tan iyo markii uu gaaska ka helay badda madow 2020.

Goorta shidaalka laga soo-saarayo Soomaaliya

Soomaaliya ayaa la filayaa in ay dabayaaqada sannadkan 2024 billowdo qodista ceelkii shidaalkii ugu horreeyay dalka laga soo saaro, iyadoo shirkadda qandaraaska lagu siiya ay durba bilowday in ay asteyso meesha ugu haboon ee laga duleelin karo ceelka ugu horreeyay ee shidaalka laga soo saari doono, kaas oo ku yaal aagga ku aadan xeebta degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wasiirka Batroolka iyo Macdnta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa wareysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in Soomaaliya ay dabayaaqada sanadkaan la soo saari doono shilkii ugu horeeyay ee laga qodo gudaha Soomaaliya, kaas oo la filayo in uu noqdo maadada caeeriinka ah, kadibna loo diri doono tijaabo baaritaan.

Dhawaan waxaa khubaro ka socota Hay’adda Batroolka Soomaaliya ay booqdeen deegaanno ka tirsan Galmudug, gaar ahaan degmada Hobyo, halkaas oo ay maamulka iyo dadka deegaanka kala hadleen saamaynta dhinaca deegaanka ee ay yeelan karto shidaal soo saaristu.

Waraysiga uu BBC da siiyay wasiirka Batrool ka ayuu ku faahfaahiyey qorshaha shidaal soo saaridda iyo sida ay isugu xigaan hawlaha lagu soo saarayo shidalka ceeriin.

Wasiirku wuxuu sheegay in dadaallada lagu doonayo in la soo saaro khayraadka shidaalka ceegaaga Soomaaliya uu marxaladdii ugu dambeysey marayo, islamarkaana qorshuhu yahay in saddexda bilood ee ugu dambeysa sannadkan lagu wado in ceelkii shidaal ee ugu horreeyey la bajiyo.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa nasiib u yeelatay in ay noqoto meesha ugu horreysa ee shidaalka laga qodi doono, waxaana degmada Hobyo oo qorshuhu yahay in xeebaheeda hawsha laga billaabo dhawaan booqday khubaro ka socotay Hay’adda Betroolka Qaranka oo halkaas kulamo kula yeeshay dadka deegaanka.

Khuburadan ayaa intii ay joogeen Hobyo waxay si dhow ugu kuurgaleen saameynta qodista iyo soosaarista shidaalku ku yeelan karto deegaanka, gaar ahaan bulshada xeebaha ku nool ee u nugul nakhaska karboonka ee ka soo fufaya lakabyada badda gunteeda ah ee shidaalku ku xanniban yahay.

Dadka deegaanka oo horay ula hadlay warbaahinta ayaa marar kala duwan cabsi ka muujiyay arrintaan.

Badda Soomaaliya waxaa ku yaal illaa 250 xirmo oo horay loo qoondeeyey, sida ay baahisay wasaaraddu, balse Wasiirka Batroolku wuxuu xaqiijiyey in xilligan la joogo ay diyaar yihiin illaa 7 xirmo oo ku kala yaala bartamaha iyo koonfurta Soomaliya, ku waas oo kala ah Galmudug (3 xirmo), Koonfur Galbeed (2 xirmo) iyo Jubaland (2), kuwaas oo sida qorshuhu yahay lagu talo jiro in laga soo saaro shidaal la doonayo in mustaqbalka la dhoofiyo.

Qaar ka mid ah howlaha ay gacanta ku heyso shirkada Liberty ee shidaalka looga soosaarayo xeebaha
Qoraalka sawirka,Qaar ka mid ah howlaha ay gacanta ku heyso shirkada Liberty ee shidaalka looga soosaarayo xeebaha dalal kale

Waxa laga yaqaan shirkadan Mareykanka ee heshiiska shidaal ay Soomaaliya la gashay

Shirkada shidaalka ee Liberty waa shirkad gaar loo leeyahay oo Mareykan oo ay xarunteedu ku taal gobolka Phoenix.

Waxaa la aas-aasay sanadkii 1997dii, iyada oo sheegta inay gacanta ku heyso 17 deegaan oo shidaal laga soo-saaro dunida oo dhan.

Ilaa maalinkii ay shaqo bilowday, waxay shirkad qabatay howl shidaal soo-saarid iyo horumin ah iyada oo ku shaqeeyay lacag dhan $1.7 bilyan oo doolar. Sanadkii 2009kii waxaa loo aqoonsaday inay ka mid tahay tobanka shirkad ee ugu saameynta weyn dunida dhanka shidaal soo-saaridda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*