27th December 2024  admin  Category :

Kulankii Gudoomiyaha baarlamaanka iyo Siyaasiyiinta Hawiye oo fashil ku soo dhamaaday

kulankii ay guddoomiyaha golaha shacabka iyo ku xigeenkiisa koowaad la yeesheen Madaxweynayaashii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fashil ku soo dhamaaday

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan  iyo ku-xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa galabta gaaray xarunta dhexe ee Madasha Xisbiyada Qaran si ay fariin ka socotay Madaxweyne Farmaajo u gaarsiiyaan Madaxweynayaashii hore ee dalka.

Xildhibaan ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in kulankaas uu ku soo dhamaaday natiijo la’aan, kadib markii fariinta madaxweyne Farmaajo u soo dhiibay guddoonka ay noqotay inay u raacaan madaxtooyada, si madaxweyne Farmaajo ay ula kulmaan.

Guddoomiye Mursal iyo ku xigeenkiisa ayaa labada Madaxweyne u sheegay in inta caawanimo uu dalbadan madaxweynuhu inuu la kulmo, sidaa darteed ay Villa Somalia u raacaan, balse ay ka caga jiideen, waxaana isaga soo tagay Mursal iyo Muudey.

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa sababta ay u aqbali waayeen codsiga kulanka madaxweyne Farmaajo ku sheegay in horay ay ula kulmeen, balana ay kala qaateen, balse balankaas uusan waxaba ka fulin madaxweyne Farmaajo.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno xarunta Madasha Xisbiyada beelaha Hawiye waxay sheegayaan in haatan Madaxweynayaashii hore ay shir gaar ah la leeyihiin xubnaha kale ee Madasha, kuwaas oo isugu jira xildhibaano ka tiersan labada Aqal ee baarlamaanka iyo siyaasiyiin kale.

Kulanka oo haada socda ayey madaxweynayaashii hore warbixin ku aadan shirkii ay la qaateen guddoomka golaha shacabka ugu gudbinayaan xubnaha kale ee Madasha Xisbiyada Qaran.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*