12th May 2025  admin  Category :

Sawirkani waa shabakadii maafiyada caalamiga ah ee uu hogaamiyo madaxweyne hore xasan sheikh iyo daynleey kale oo kubiiray layna baxay Madasha xisbiyo qaran soomaaliduna u tagqaan BADAR IYO BEESO!.

XISBIYADA DIIN DILLE,DAL DILLE,DALIIL SHISHEEYE, DABASALIIDLEEY,OO MAR LABAAD KA MURUGOODAY GOBONIMADA IYO GO AANKA DHEX DHEXAADNIMO EE SOMAALIYA XIRGIFTA NIIL/

Waa maqaal hore, waxa noo soo diray Yuusuf Cumar

Sawirkani waa shabakadii maafiyada caalamiga ah ee uu hogaamiyo madaxweyne hore xasan sheikh iyo daynleey kale oo kubiiray layna baxay Madasha xisbiyo qaran soomaaliduna u tagqaan BADAR IYO BEESO!.

Waxaan jeclahay in aan ka jawaabo uugu horayn,maxay yihiin xisbiyada magacyadoodu ku xusan yihiin cinwaanka maqaalkan waxayna kalayihiin sidan hoos ku xusan.

XISBIGADIIN DILLE waa xisbi uu hogaamiye madaxweyne hore sheekh shariif,waxaynu marqaati kanahay kuna xusan taariikhda in uu sheekh shariif kitaabkii illaahay ku qaaday gacanta midig,wacad eebbana ku galay in uu aqbalayn in dalka lagu xukumo waxaan isaga ahayn,yiri diinbaan dalka ku hogaamin,waana gaalnimo cad in cabdullahi yusuf uu dalka ku xukumo dastuur dad qoray,wuxuuna ku tilmaamay dawladii cabdullahi yusuf iyo dadkii soomaaliyeedba gaalo! Mardanbe unbaa la arkay shariifkii oo kursigii cabdullahi yusuf fadhiya,dastuurkiina wax ku xukumaaya,saaxiibadiina leh diin mahaystaan waa argagixiso oo garabka ku haya maraykankii. markaa isagu gaalo iyo muslinba waa arkaan waxa uu yahay shaqsiyadiisu waana DIIN DILLE. shariifka oo hogaaminaaya xisbigiisaa diin dille qaybuu kayahay iyo waliba hogaamiye,xisbiyadan midoobay ee BADAR IYO BEESO. Halgamaagii weynaa oo soomaaliyeed ayaa laga hayaa,” ILLAAHII ABUURTAYBA NINKAAN OO FIN AMARKIISA,SIDAAN ANIGU UULA AAMINTAMO WAYLA AMAKAAGE!!” iska dhaaf Soomaali oo uu horyimaadee ninkii agtiisa istaagaa shariif waa nin isagu luguhiisa ku doontay caro illaah kuna khamaaray aakharadiisii.

XISBIGA DAL DILLE Waxaa hogaamiya hogaamiyaha shabakada maafiyada caalamiga ah,madaxweyne hore xasan sheekh.xisbigiisa ayaa layiraahdaa gaarka u ah Dal dille,Soomaalida oo markii hore intooda badan aan aqoon u lahayn xasan sheekh,ayaa hadalo macaan oo afka baarkiisa ahaa maleeyay in uu yahay nin wax qaban kara dalkana isbadal u keeni kara xiligaas. waxaase la arkay meeshii hanaan dawladnimo iyo gobonimo la ee gaayay,nin beeso ku uruur sanaaya labda gacmood iyo labada lagood,oo hadafkiisuba ahaa beeso tabcasho salka ku haysay fiqri filweyn oo laxariiray. faqri loogama baxo nasiibdaro sidii mooday xatooyo xoolo dadweyne,ee waxaa lagaga baxaa tabcasho iyo kasab xalaal ah,iyo qaneeco qalbiga ah. waxaa intaa u dheeraa hanyari hoosayn uu madaxa hoos ufoorarinaayo markuu usoo muuqdo shisheeye! wuxuuna ahaa madaxweyne dalkiisii ajinabi ku wareejiyay oo marti ah isagu yaabkay aragtay soomaali. Gurmad rabbi iyo caymasho xagiisa katimid ayaa soomaali ku badbaadee kani dalkii waa iibsaday,waana taariikh utaal oo mahadho ah. kaasi waa DAL DILLE.

XISBIGA DALIIL SHISHEEYE,waxaa hogaamiya Dr gaas.waxaana kamid ah cumar cabdirashiid iyo Dani iyagu waa siyaasiyiintii iswaayay, wali waa israadinayaan ismana helayaan.dhibkana waxaa u keenay iyaga oo  ku dabaalan yaqaan barkad ayay badweyn soo galeen,hafashay wali ku jiraan!Hees soomaaliyeed ayaa oranaysay “Lama galo badweynee adigoon dabaal bara nee” xisbigani waxay miciin moodeen oo kaliya,in dalkooda ay kusoo hogaamiyaan cadaw iyo shisheeye.kuma kalsoona dalkooda iyo dadkooda soomaaliyeed,had iyo gooraala waxay u faydan yihiin oo isku garbinayaan khaadinimo shisheeye!! waxaa jira firqo kamid ah firqooyinka islaamka ee sunida ah oo layiraahdo JAMAACATU TABLIIQ,markay dagmo yar tagaan waxay dadka waydiistaan qof soo tusa luuqyada xaafadaha oo dagaanka ah oo kala yaqaan si ay ugutaan muraadkooda diinfidinta ah. qofkaas waa khabiir dagaanka yaqaan guri walba iyo geed walba,waxay u yaqaa niin,qofkaas DALIIL.

kolkaa nimankani waa Daliil shisheeye xikmo kale malaha iyo siyaaso midna waxayna waayadan danbe ula baxeen BEESHA CAALAMKA! soomaalidiina waa yaaban tahay oo waxy leeyihiin war arinku inaguu inaga dhaxeeyaaye maxaakeenay beesha caalamka ma goof keenay nala leeyihiin! intaa shisheeye ayay hoosta kaga jiraan oo ka iibinayaan dalkeena si ay u helaan kursi darteed. kuwani boos kuma lahaa siyaasada dalkeena dhab ahaan meel khaldana waa ka raadinayaan kursiga.hadaba iyagu waa DALIIL SHISHEEYE. iimaanka beele hadaad maqashay  eeg uun xisbiga daliil shisheeye!

XISBIGA DABA SALIIDLEEY waxaa hogaamiya,FIQI waxaana kamid ah mahad salaad,odawaa,cabdiraxmaan cabdi shakuur,waxay halgan uugu jiraan,cunto maskaxna umahayaan siyaasad! hadee waa ninkii ka dhigay guryihii iyo beerihii umada soomaaliyeed sidii ameerika cusub oo hada la helay! xisbigan isagu baahi ayaa dhaga tirtay. isagu siyaasigii iyo dawladii hadasha dan kama laha mana hubsanaayo waxa socda,iyo dhibaatada ka taagan dalkiisa ma hubsanaayo dawlada shisheeye ma cadawbay idiin tahay ka soomaaliya ahaan mise idiin ma aha! waxa uu diirada saaraa casho caawa maka helaysaa oo kaliya! shuqul kumalaha siyaasada.ninkaani raacdo badar ayuu ku fogaaday. haduu cunto helana sidaa uma  dhibadna.

Waa xisbi yaabkiisa leh,imaan la aantu waa ibtilo waxaa jira gabdho soomaaliyeed oo aad u quruxbadan,haybada ka muuqatana aad layaabaysid oo soo jiidasho leh,hayeeshee waxay u dhoola cadaynba waa in ay hesho nin ka bixiya cashada caawa kadibna ka muraadsada waayo iyada intaas ayaa doc u tuurtay! qofta noocaan ah had iyo jeer dabadeedu waa qoyantahay! ileen waa balaayo habeenba nin wataaye. cajab waxaa ah in aysan ka waayin gurigooda canbuulo coloosha u buuxisa,waxaase meesha ka maqan oo ay nafteeda u halaagaysaa waa iimaankii. markaa waa Daba saliidleey!  kani waa xisbigii DABA SALIIDLEEY. Siyaasad kuma jiraan. indho maqabaane oo faqrigaa biiqsaday ee  cunto baladka soomaaliya waa taal qofkuna gaajo u dhiman maayo.

Hadaba xisbiyadan kor ku xusan waxaa la soo daristay murugo iyo calool xumo walwal ku dhalisay,kadib markay ogaadeen in sidii dhacdadii hore ee ka dhacday khilaafkii dhex maray dawladaha carbeed sida Qadar iyo E-maraatka oo ay dawlado badan lakala safteen halka dawlada fadaraalka ee soomaaliyeed ay qaadatay door shariif ah oo salka ku hayay siyaasad sare,kaasoo ahaa DHEX DHEXAAD NIMO.Tanoo u keentay cizi iyo karaamo iyo sharaf Qaranka soomaaliyeed dawlad iyo shacabba. wuxuu ahaa go aan gobonimo oo qaali ah taariikhdana kagalay baal dahab ah.Maxaayeelay isqiimaynta madaxda soomaaliya hogaaminaysaa ay siiyeen dalkooda iyo diintooda iyo dadkooda iyagoo sidaa u baahan,oo dalku uusan lahayn dawlad hanatay dalkii oo dhan,oo ay soomaaliya tahay xiligay ugu nugleeyd uuguna baahi badnayd ayay madaxa ciida ka ceshadeen taasoo soo jiidatay indha aduunka iyo xataa dawladihii is hayay qudhooda oo siiyay tixgalin maadaama ay iska diideen malaayaantii dollar ee lagu baayacay isoo raac iyo caga juglayntii intaba.

Soomaalidaa ku maah maahdaa “WAAN BAA HANAHAY BAQTI LOOMA CUNO” Go aankaa dhex dhexaadnimo waxaa qaadan karay oo kaliya nin sareeya lehna nasabnimo gun dheer. hadaba iyadoo taasi hore u jirtay oo xisbiyada korku xusani latiicayaan jabkii iyo ceebtii ka raacday markay dawlada soomaaliya ku qabsadeen maxaad dhex dhexaad u tihiin oo ay daan uraacayn E-maraadka iyo sucuudiga xulafadooda? Maxaydaan u qaadanayn lacagtaan waa wareey waa wareey waa kuwii lahaa!! waxaa yaab ku noqotay sharafbaan qaadan oo lacag doolar ah ayaan diidi dan shisheeye marabo danta dalkaygaan rabaa.

Ninwaliba siduu yahay ayuu ku moodaa! Hadaba maanta waxaa xirgif dhaqaale u dhaxaysaa Masar iyo Ethiopia oo isku haya Nile ka faa iidaysiga biyihiisa. Ethiopia oo wabigu ka soofarcamo,waxay dhisatay biyo xireen laga dhalinaayo koronto,taasoo anfacaysa geeska afrika oo dhan,sida ethiopia,soomaaliya,erataria,jabuuti,kenaya,ugaandha,tanzani oo helaya koronta aad u jaban oo ah wax sida lacag la aan oo kale ah.malaayiin afrikada diirka madaw ayaa ka faa idaysanaysa oo dhisanaysa warshado maadaama ay helayaan koronto ku filan. Masar hore ayay u dhisatay biyo xireen oo ay ka faa iidaysataa cid ku qabsatayna majirto,hadana uma ogola in afrikaan helo faa iido iyo hormar siday iya guba u heleen,waxaana masar dabataagan yuhuuda iyo maraykanka,oo is qarinaaya diidana hormarka geeska afrika ka bilawday. laakiin masaladu maha in ay masar waayayso biyo ku filan oo kayimaada NILE ee waa hormarka ethiopia iyo bariga afrika in laga hortago. waxkastaba haysku hayaane,inagu soomaali ahaan dawlado sidan oo kale ah markay isku dhacaan marwalba waxaynu nahay DHEX DHEXAAD iyo hadaynu awoodno heshiisiin cidii is haysa.

Waxaa nin walbaa dunida u ordayaa danta dadkiisa iyo dalkiisa oo markay shisheeye tagto mucaarad iyo muxaafid dalkooda dantiisa way u midoobaan oo meel uuga soo wada jeedsadaan,hadaba dawlada soomaaliyeed waxay qaadataa marwalba go aan danteena ah shacabka soomaaliyeedna waa garabtaaganyahay sida dawlad walbaa shacabkeedu u garabtaagan yahay.hadaba cadawga gudaha ee isku qariya mucaarad ayaanu nahay waa kuwaas ka soo horjeedsaday maslaxada dalkeena marlabaad oo inagu qasbaya rabitaanka Emaraadka iyo dawlado shisheeye oo ah in aan dhinac raacno taana waa iska diidnay.

Cadawgeena guduhu waa ka xunyahay shisheeyaha dibada.dhankastoo aysan filanayn waa in aan kaga nimaadnaa sharcigana la tiigsanaa u yaala dalkeena. waxaanse soomaaliyeey idin waydiiyay walaalayaal,waa maxay siyaasiyiintan soomaaliyeed ee ku gabada mucaaradka xaalkoodu? Nimanku yaabnay ee MA SIILBAA! WAAYO HADE SIILBAA LUGTII LA QAADABA RAACA! waa maxay nimanka leh dawladii hadashaba waa raacnay ku hayaa! waxan sheegay ma cadahay hadaba in ay yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*