26th April 2024  admin  Category :

Xildhibaan xaaraan ku jooga Aqalka sare oo ka digtay in la hakiyo deeqaha gaarka loo siiyo Somaliland

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee ka soo jeeda Beesha Isaaq ayaa ku booteeyey in dhibaato  ka dhalan karta haddii dowladda federaalka Soomaaliya ay hakiso deeqaha gaarka ee Beesha Caalamka siiso SNM.

Xildhibaanada ka soo jeeda beesha Isaaq  oo shirar ku lahaa magaalada Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka isku raacaan in la hakiyo deeqaha la siiyo SNM.

Senator Nuurto Faarax Jimcaale, ahna xaaska Xildhibaan Dalxa oo Xaaraan ku joogta  Aqalka Sare ayaa sheegtay in wax laga xumaado ay tahay in la fogeeyo arrinta Somaliland

“In maamul goboleedyada ay yiraahdaan Somaliland  waa in laga joojiyaa wixii caawimaad ee la siinayay, taas waxay keeni kartaa cawaaqib xumo horseedi kara in Soomaaliya kala tagto, waxaana aaminsanahay in taasi ay tahay mid lagu fogeynayo arrinta Somaliland”ayay tiri Senator Nuur Faarax.

Wasiirka Qorsheynta Jamaal Xasan Maxamed ayaa qoraal uu dhowaan u diray Beesha caalamka ka dalbaday in aan la cusbooneysiin nidaamka sida gaarka ah lagu taageero SNM, kaasoo soo bilowday sanadkii 2013, xilligaasoo la bilaabay barnaamijka New Deal, iyadoo Somaliland si gaar ah loo naas nuujin jiray.

Maamul goboleedyada ayaa qoraal ay si wadajir u soo saareen ku taageeray qorshaha dowladda Federaalka ku hakineyso deeqaha gaarka loo siiyo Somaliland, iyagoo caddeeyay in arrintaas ay halis ku tahay qaranimada Soomaaliya.

Degmooyinka Dhahar, Badhan, laasqoray iyo Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, iyagu Kuma laha xildhibaan ku metala aqalka Sare oo waxa ka  musuqmaasaqay xiligii la xulayey  Jamac Maxamed Qaalib oo ahaa gudoomiyihii soo xulayey Xildhibaanada gobolada waqooyiga Soomaaliya

Aqalka sare / 8 Kursi

Cidagale / 1

Sacad Muuse / 1 Kursi

Ciisa Muuse / 1 Kursi

Habar-Yoonis / 2 Kursi

Habar-Jeclo / 2 Kursi

Arab / 1 kursi

Warsangeli Cumar/ 0

Warsangeli Dubays/ 0

 

Beesha SAMAROON

Aqalka Sare / 2 kursi

BEESHA CIISE

Aqalka Sare / 1 Kursi

Kuraasta Sida ay xaaraanta ugu heshay Nuurto iyada oo kaalmo ka helaysa Jaamac Maxamed Qaalib iyo Dalxa

wg3

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*