27th July 2024  admin  Category :

Xildhibaanada Ka soo barakacay Waqooyiga Soomaaliya Oo Ka Horyimid Go’aankii Cabdi Xaashi

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo Barakay gobolada waqooyi galbeed iyo Togdheer ayaa kasoo horjeestay Qoraalkii kasoo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee ku sheegay inuu soo magacaabayo Guddiyada Doorashada ee Xildhibaanada Somaliland.

Xildhibaanada oo Maanta kulan yeeshay Muqdisho ayaa sheegay in uusan jirin sharci u ogolaanaya in Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu soo magacaabo xubnaha, Xildhibaanada Somaliland ku metelaya Guddiyada Doorashooyinka ee 2020/2021.

Xildhibaan Guuleed Ceyndaruus Cige oo warbaahinta u akhriyay war-murtiyeed kasoo baxay Xildhibaanada ayaa sheegay in uusan jirin heshiis siyaasadeed oo dhexmaray Xildhibaanada labada Golle iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi.AKHRISO

Sidoo kale Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland ayaa Cabdi Xaashi ku eedeeyay inuu ka qeyb geli waayay shirarkii ka dhacay Dhuusamareeb iyo Muqdisho oo ay xuseen in Cabdi looga baahnaa inuu ka qeyb galo, hayeeshee Xildhibaanada Somaliland uu shirarkaas ku matalay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ugu dambeyn Xildhibaanada kulanka ku yeeshay Muqdisho ayaa sheegay in Qoraalkii ugu dambeeyay iyo kuwo kale uu horey u soo saaray Cabdi Xaashi in uusan ku metelin Xildhibaanada, isla markaana Qoraalada ay yihiin kuwo abuuraya qalqal siyaasadeed.

Si kastaba Cabdi Xaashi ayaa dhawaan sheegay inuu magacaabi doono labada xubnood ee Gobollada waqooyi ku matalaya guddiga doorashada heer federal, labada xubnood ee guddiga xalinta khilaafaadka, iyadoo saddex xubnood soo magacaabi doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*