26th July 2024  admin  Category :

Ma Tuugtii aynu  ogayn ayaa dad kala saaraya?

Inta badan 66 Xildhibaan ee Baarlamaanka Puntland waa danaystayaal. Tuug, dib u socod iyo qabiilaystayaal aan dan ka lahayn jiritaanka  Puntland iyo Bulshadeeda

Xildhibaanada Puntland intii ay Puntland soo  jiratay ma dhicin maalin ay  la xisaabtameen madaxweynayashii hogaanka soo qabtay oo had iyo jeer ahaa kuwa  qardajeexayey. Laakiinse waa la arkay madaxweyne la xisaabtamaya wasiiradiisa.

Tusaale hadaan u soo qaadano Cabdi ( maaha magaciisa dhabta ah), wuxuu ka mid ahaa xildhibaanada Puntland ee beesha Dhulbahante  ilaa sanadkii  1998 Intuu xilka hayey   wuxuu laaluush kaga  qaatay inuu doornayo  Afar madaxweyne oo Puntland soo maray. Doorashadii ugu danbaysay  gogol garnaqsi ayaa loo dhigtay,  ka dib markii la ogaaday inuu lacag ka wada qaatay labadii Murashax oo kala ahaa  madaxweyne Faroole iyo madaxweyne Gaas oo u tartamayey hogaanka Puntland

Sidoo kale wuxuu laaluush ku qaatay inuu kursiga ka tuurayoo ama mooshin ka keeno  Sadex gudoomiye baarlamaan oo soo maray gudoonka Baarlamaanka Puntland oo ay is qabteen madaxweynihii markaa xilka hayey.  Laaluushkii  ugu danbeeyey  wuxuu ahaa markii madaxweynaha PuntlanCabdiweli   Gaas uu sida   sharci darada ah  laaluushka ugu bixiyey in kursiga laga tuuro gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire. Xildhibaankami maalin kama bixin Garowe oo ma soo booqan bulshaddi  uu magacooda ku fadhiyo baarlamaanka Puntland

Cali waa Xildhibaan kale oo ka mid ah tuugta sheegta inay yihiin Xildhibaanada Puntland. Wuxuu baarlamaanka Puntland ka mid noqday 1998, wuxuu ka soo jeedaa beesha Majeerteen. Maalintii Faroole iyo Ilkojiir tartamayeen wuxuu u xilsaarnaa abaabulkii Xildhibaanada iyo  in Ilko jiir ku fariisan kursiga sare ee Puntland . Sadex mar baarlamaanka Puntland wuxuu hor keenay mooshin lagu tuurayey gudoomiyihii baarlamaanka ee waqtigaas xilka hayey isaga oo mar walba la safnaa madaxweynaha markaa joogay oo ay beesha ka soo wada jeedaan.

Xildhibaanada Puntland ee gobolka Sanaag ee beesha Warsangeli iyaga waxa loo adeegsadaa sida Makalinta  ( waa jilibka lagu soo dabto Kaluunka marka la jilaabanayo), Gudoomiye kasta oo ka soo jeeda gobolka Sanaag oo howl shaqo ay  isku qabtaan madaxweynaha Puntland waxa loo adeegsadaa Xildhibaanaada Warsangeli . Mid ka mid ahna waxa loo balan qaadaa oo dhegta loogu sheegaa  in isagu xilka gudoonka  qabanayo. Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland ee  hadda jooga sidan ayuu ku yimid maanta haddii uu  ka hadlo sababta beesha  Warsangeli hal kursi uga heleen  Aqalka sare halkii Siciid Xasan Shire ayuu mari doonaa  oo 33 Xildhibaan ee  ka soo jeeda beesha Majeeteen ayaa kursiga ka tuuraya ilaa waa baarlamaan aan caddalad lahayn oo faraq wayni u dhaxeeyaan  saamiga ay beeluhu ku leeyihiin.

Tusaalaha ugu danbeeya Mahad Cawad oo ka soo jeeda beesha Dir oo aan hal xildhibaan ku lahay baarlamaanka Puntland iyo Moorgan oo beeshiisa Majeerteen baarlamaanka Puntland  ku leeyihiin 33 Xildhibaan ayaa wada tartamaya,  caddaalada laga sugayaa in Mahad Cawad uu ku soo baxo doorasho ka dhacda Baarlamaanka Puntland  oo xalaal ah waa dhalanteed iyo been laga sheegayo dimoqraadiyadda

Ugu danbayntii Tuugtii aynu ogayn ee Baarlamaanka Puntland fadhiday oo dhowaan laaluushka ku qaatay inay gudoomiyahoodii kursiga ka tuuraan, Maantana laaluush kii la mid ah ayeey qaadanayaa oo waxay soo saarayaan Xildhibaano ay qaab  qabiil ku soo  doortaan 33 Xildhibaan ee halka beel ka soo wada jeedaa  iyo midka beelaha kale oo ay ku dooran doonaan  inta lacag ah oo uu jeebka ugu shubo. Aqaka sarena Puntland waxa ka aadi doono waa dhalaankii tuugta baarlamaanka Puntland fqadhida

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*