
16th November 2025 admin Category :
Xildhibaanad Ilhan Omar ayaa taageertay musharaxa duqa magaalada Minneapolis, Omar Fateh.
Tani waa guul weyn oo u soo hoyatay Omar Fateh xilli ololihiisu meel wanaagsan marayo. Sida ay qorayaan warbaahinta gobolka saaka, taageerada Ilhan waxay keeni doontaa in uu si weyn ugu horreeyo tartanka, maadaama ay dad badan oo taageerayaashiisa ahi ay yihiin kuwo si firfircoon u codeeya.
Abdikadir Yasin, oo ka mid ah xubnaha ololaha doorashada Omar Fateh, ayaa sheegay in taageerada dadweynaha ay sii kordhayso.
“Dadka Minneapolis aad bay ula dhacsan yihiin siyaasadda uu Omar doonayo inuu ku hoggaamiyo magaalada. Gaar ahaan, bulshada Soomaaliyeed ee magaalada deggan aad bay u taageersan yihiin, si weynna way ugu codeynayaan Omar,” ayuu yiri Mr. Yasin.
Dad badan ayaa qaba in taageerada Ilhan Omar ay tahay tallaabo muhiim ah oo u sahlaysa Omar inuu xilkan ku guuleysto, maadaama Ilhan ay tahay siyaasiga ugu caansan uguna shacbiyadda badan magaalada Minneapolis.
Ilhan Omar iyo xubno kale oo ka tirsan hoggaanka DFL ayaa hore u cambaareeyay go’aankii uu xisbiga gobolku ku laalay taageeradii ay hore u siiyeen Omar Fateh oo ahayd in uu ku matelo doorashada, iyagoo sheegay in go’aankaasi uu ahaa “mid aan sax ahayn.”.








