26th July 2024  admin  Category :

Xildhibaan Xuseen Cismaan Xuseen oo isku soo taagay Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya.

Waxaa maanta isaguna isku soo taagay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan  Xuseeen Cismaan Xuseen.

Musharrax Guddoomiyaha Baarlamaanka Xuseen Cismaan Xuseen oo ah Waayo arag wax badan ku soo dhex jiray Siyaasadda iyo arrimaha kale ee Horumarinta dalka ayaa sheegay in uu ku sifoobi doono haddii uu ku guuleysto xilkaan, wax ka qabashada:-

1: Cadaaladda iyo Sinnaanta.

2: Hoggaamin Dhab ah.

3: Dhameystirka Shuuruucda dalka.

4: ilaalinta Shuruucda dalka.

Mudane Xuseen Cismaan Xuseen ayaa sheegay in muddo 12 sano uu ka mid ahaa Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaana uu shaaca ka qaaday in uu soo noqday Wasiir ku xigeenkii Amniga iyo Wasiir ku xigeenkii Beeraha Xukuumadihii KMG.

Iyadoona uu ka soo mid noqday bur burkii kadib Guddiyadii Soomaaliyeed ee ka soot ala bixiyay sidii Soomaaliya ay mar kale uga hana qaadi lahayd dowlad.

Hadaba Xuseen Cismaan Xuseen ayaa loo arkaa shaqsi Isbedel la taaban karo ku keeni kara Golaha Shacabka marka loo eego Khibradiisa ku aadan marxaladaha Siyaasadeed ee dalka oo uu waaya jooga u soo ahaa.

SAWIRRO

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*