27th July 2024  admin  Category :

Xildhibaan diidan inuu ka guuro Xero ciidan oo u horay u bililiqaysatay

Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, ayaa waxa ka jirta  xiisad laga cabsi qabo iney gacan ka hadal isu bedesho, taasoo u dhexeysa Ciidamada dowladda iyo Ciidamo taabacsan Senator Muuse Suudi Yalaxoow oo ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan xiisadan cusub waxa ay daba socotaa amarkii ka soo baxay bishii hore Guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), kaasoo ahaa in la isaga guuro xerada Mariino ee ciidanka Badda Soomaaliya.

Xiisadan ayaa soo xoogeysatay kaddib markii uu fashilmay labo isku day oo lagu doonayay in Senatorka lagu qanciyo inuu xerada isaga guuro, isagoo xubno isaga wakiil ka ah ay la kulmeen habeen ka hor Madaxweyne Farmaajo iyo kulan uu Guddoomiyaha Aqalka Sare isugu keenay Duqa Muqdisho iyo Muuse Suudi Yalaxoow, iwaloow wax natiijo ah aan ka soo bixin kulmadaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*