26th July 2024  admin  Category :

Xildhibaan Falhad;”Waxa uu ballanqaaday Xasan Cali Kheyre inuu xallin doono khilaafka Badda ee Kenya iyo Somaliya

Mid ka mid ah mudanayaashii ka tirsanaa baarlamaanka dalka Kenya Senator Falhad Deeqow Iimaan ayaa sheegtay in kulan ay maanta la yeesheen qaar ka mid ah mudanayaasha laga soo doorto deegaanada Soomaalida Kenya in arrimihii ay ka hadleen ay ka mid ahayd muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Senator Falhad Iimaan ayaa barteeda Facebook ku daabacday in kulankoodii quraacda ee ay yeesheen ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu u sheegay in uu yahay musharax madaxweyne kana codsaday inay gacan ka siiyaan sidii uu ugu guuleysan lahaa xilka madaxweynaha Soomaaliya.

“Haddii la I doorto waxaan ka shaqeyn doonaa horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya taasina faa’ido ayay u tahay dalka Kenya,”ayuu noo sheegay Xasan Cali Kheyre ayay tiri Falxad.

“Waxa uu noo sheegay inuu xoojin doono xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya,waxana uu ballanqaaday inuu xal waara u keeni doono khilaafka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.”ayay sii raacisay Senator Falhad.

Ugu dambeyntii Falxad ayaa sheegtay inay ka codsatay musharax Xasan Cali Kheyre in uu ku dadaalo awood siinta dumarka Soomaaliya,maadaama codka haweenka Soomaaliyeed yahay mid la dayacay.

Si kasta ha ahaatee Senator Falxad ayaa qoraalkii ay soo dhigtey boggeeda Facebook markii dambe ka saartay iyadoo cudurdaar ka bixisay ereyadii ay ku soo daabacday.

“Waxaan ka cudurdaaranayaa qoraal aan soo dhigey barteyda kaasoo ku saabsanaa kulankii aan la yeelanay Xasan Cali Kheyre.”ayay tiri Senatar Falhad.

“Qoralkaas ma ahayn mid ka tarjumayay waxyaabihii laga hadlay waxaana aan ka bixineynaa aniga iyo xafiiskeygaba raaligelin dareenka xun ee laga fasirtey qoraalka.”ayaa ka mid ahaa ereyadii cudurdaarka ah ee ay soo daabacday senator Falhad Iimaan.

Qoraalkii ay soo dhigtey barteeda Facebook Senator Falhad Deqow.

Qoraalka ay markii dambe soo dhigtey raaligelintana ku soo qortay markii dambe;

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*