26th April 2024  admin  Category :

Cabdicasiis Axmed Saalax oo loo dhaariyey Xildhinaan

Fadhiga 28-aad, Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta si rasmi ah u furmay ayaa Guddiga Anshaxa & Arrimaha Golaha soo jeediyeen ogolanshaha Xubinnimada Xildhibaan cusub.

Ka dib soo jeedinta Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Gudaha Golaha Wakiillada DPL,MARKUU ARKAY:- Qodobka 61-aad iyo Lifaaqa 4-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

MARKUU ARKAY:- Qodobka 62.3-aad farqadiisa 6-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

MARKUU ARKAY:- Qoraalka ku taariikhaysan soo gudbinta Cabdicasiis Axmed Saalax uu buuxiyo kursiga xubinta Golaha Wakiillada ay Beeshu ku leedahay ee uu banneeyey Xildhibaan hore Allaah u naxariistee Cali Axmed Saalax ( Cali Dhahar).

MARKUU HUBIYEY: In Cabdicasiis Axmed Saalax uu buuxiyey Shuruudihii xubinnimada Golaha Wakiillada ee ku xusan Qodobka 61- aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

WUXUU GUDDIGU SOO JEEDINAYAA:

In Cabdicasiis Axmed Saalax uu Golaha ka hor akhriyo taariikh-nololeedkiisa, kadibna loo dhaariyo ka mid noqoshada Xubinnimada Golaha Wakiillada DPL.

Waxaana si rasmi ah Maxkamadda sare ee Dawladda Puntland ugu dhaarisay ka mid noqoshada Xubinnimada Golaha Wakiillada DPL, sidoo kalena, Xildhibaanada ayaa cod gacan-taag ah ku ogolaaday inuu ka mid noqdo Guddiga joogtada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*