18th April 2024  admin  Category :

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo xubno kamid ah weftiga uu hoggaaminayo ee safarka shaqo ku maraya Gobolka Karkaar, ayaa maanta booqasho ku tegay Xerada tababarka ciidamada ee Xorgoble, Qardho.

Guddoomiye Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril ay wehelinayaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada DPL, Saraakiil ka tirsan Golaha Wakiillada DPL, Taliyaha qeybta iyo maamulka gobolka karkaar ayaa kormeeray xerada Ciidamada.

Guddoomiyaha ayaa halkaas u tagay si uu u dhiiri galiyo Ciidamada geesiyaasha ah ee Bader. Waxaa Guddoomiyaha uu halkaas kula kulmay Sarakiisha Tababaraysa ciidamada iyo masuuliyiin kale isagoo ku booriyay inay sii laba jibaaran dadaalkooda si looga guuleyso cadawga Puntland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*