26th April 2024  admin  Category :

Waxaa Golaha Wakiillada u qabsoomay Fadhiga 14-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Mudane, Cabdiirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta waxaa soo xaadirtay 34 Xildhibaan, waxaana ajandaha fadhigu ahaa qaybinta Hindise-Xeereedka Dhawrista Goobaha Taariikhiga ah ee Puntland, kaasoo Madaxweynaha Dawladda Puntland u soo gudbiyey Golaha Wakiillada, waxaana lagu wareejiyey Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka,Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Golaha Wakiillada si ay ugu soo sameeyaan akhrinta labaad,waxaana Golaha la horkeeni doonaa maalinta sabtida ah oo ku beegan 17 Bisha Luulyo, 2021 hadii Alle idmo.

Ugu dambeyntii, fadhiga maanta waxaa xildhibaannada Golaha Wakiillada loogu qeybiyey Daabacaadii Buugga Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada oo wax-ka-bedelkiisa Goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey 04/07/2021.

May be an image of 1 person, sitting and indoor
May be an image of 5 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 2 people, people sitting and indoor
May be an image of 2 people, people sitting and indoor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*