11th May 2024  admin  Category :

Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa billoowday ineey bixiso lacago laaluush ah iyo ku tagrifal lacagaha sadaqada ah oo beesha caalamka ay uggu tallagashay shacabka Soomaaliyeed si ay taageero ugga hesho xubno ka mid ah maamulada ka jira dalka.

Dawladdu waxeeysan oggeen in ay abuureeyso iska hor imaad iyo khillaaf ka dhexdhasha maamulada gudahooda. Inta hadda la ogyahay, waxaa maamuladooda ka horyimid Madaxweene ku Xiggeenka Puntland Camay, ku xiggeenka Galmudug Carabay, Guddoomiyayaasha Hirshabeele iyo Galmudug.

Waxaa dhab ah, qof kasta oo si xun wax ku raadiya, isaga ayeey ku soo noqon doontaa. Dawladda federaalkana haddii ay iska hor keenka maamulada dhexdooda ay xal ka raadiso, iyada uunbaa noqoneeysa midda fashilka uu ku danbeeyo, maamulada dalkana ma noqon doonaan kuwo wax looga qaado shaqsiyaad shillimaad la soo siiyey. Hadaba, su’aasha is weeydiinta leh waxeey tahay, ma shaqeen doontaa xeelada cusub ee dawladda ee la isaga hor keenayo maamulada dhexdooda?

https://youtu.be/gKfO-LShcwg

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*