6th October 2024  admin  Category :

Doorashadii ka dhacday qeeybo ka mid ah Puntland ayaa aheed mid si wanaagsan u dhacday. Sidoo kale, doorashada ayaa aheed mid si hufan oo xallaal ah ku soo dhamaatay. Hadaba doorashada qabsoomideeda ayaa waxa soo dhaweeyey Soomaali badan iyo qaar ka mid ah kuwa danneeya arimaha Soomaaliya. Balse waxaa jira hal qolo oo ka xumaatay doorashadaas dhacday, waxeeyna jeclyihiin dhibka shacabka Soomaaliyeed si ay aqoonsi ugu raadiyaan.

Hadaba Faysal Cali Waraabe oo hadlayey maalin dhaweeyd ayaa yiri, “Reer Boosaasaa seddex tuulo ayeey ka sameeyeen election ma ogtahay wixii faan ka baxayey subxaanallaah, yaa illaahayna la kala baryi og, lakala faani ogna wallaahi, nimankaasi waxeey lahaayeen doorashadaasi Soomaaloo dhan, Soomaaloo dhan beey maanta u tahay tusaale, waryaa xiiseenayey doorashada Qardho ka dhaceeysa Soomaalida xiiseeneeysay ee sugeeysay yeey aheeyd.”

Sidoo kale waxuu billaabay inuu ku digto dagaalkii ka dhacayey magaalada Guriceel wuxuuna yiri, “Qoriceel, Qoriceel beey isku dilayaan waa nimanka shan iyo tobboan musharaxna weey leeyihiin oo madaxeeyne doonaya, Guriceelna weey isku dilayaan, magaalo qura oo ay leeyihiin oo maamul qura uu ka socdaana ma jiro.”

Isaga oo hadalka sii wata ayaa yiri, “Ninbaa 1999, professor ah oo deegaanka ka soo jeeda Galmudug ayaa annaga oo joogna Kanada ‘Canada’ ayuu ila soo galay waxa Soomaaliweeynta waxooda, waxaan iri war iska daa waxaasoo orad oo tolkaa heshiisii, wuxuu yiri, ‘tolkeey oo heshiiya waxaa ka dhaw Soomaali oo heshiisa,’ waxaan iri war deegaankaaga degmooyinkiisa maamul ka sameey? Wuxuu yiri, ‘degmooyinkeena oo aan maamul ka sameeno waxaa ka dhaw Soomaali oo maamul laga sameeyo’ Berigaa waan la yaabsanaa”

Waxaa dhab ah cida aan ku faraxsaneen in nabad iyo doorasho ay ka dhacdo gobolada kale ee dalka Soomaaliya waa SNMta Hargeeysa joogta. Maanta in Faysal Cali Waraabe uu dacaayadeeyo doorashadii ka dhacday Puntland oo weliba billoow wanaagsan ah, waa mid ku tusineeysa heerka uu gaarsiisan yahay xasadka ka buuxa.

Waxaan la soconaa in SNMta ay lacago badan ku bixiyaan argaggixisada, isticmaalka kaarka Irirsamaale si Hawiye iyo Daarood ay cadaw isugu tusaan si xasilooni aysan u iman, waxaana SNMta ay iibiyaan annaga kaliya ayaa deegaanadeena nabad ay yihiin, annaga uunbaa doorasho qabsana. Waxaa xaqiiq ah in gobolada aan nabadda aheeyn ay nabad noqon doonaan, doorashooyinkana ay kawada dhici doonaan meel kasta oo ka mid ah dalka Soomaaliya, iyadoona aakhirka ay guuldareeysan doonaan gooni goosatada dooneeysa ineey dalka kala jaraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*