29th March 2024  admin  Category :

Waxaa soo baxaya cabashooyin ka imanaya beelaha Soomaaliyeed oo ku aadan soo xullista xubnaha baarlamaanka. Hadaba beesha Warsengali ayaa ka cabaneeysa suldaankeeda oo ay sheegeen in uu yahay isaga shaqsigii soo xullay xildhibaanada ay helleen, tashi la’aana uu hawshaas u sameeyay.

Cabashada iyo xalka waa in laga raadiyaa meesha ku haboon; talladu waxeey tahay in aan Gaas, Cumar Ca/rashiid, iyo Puntland toona aan la eedeen, oo aan waqtiga la isaga lummin, balse ay haboon tahay in lala xisaabtamo cidii soo xushay xubnaha baarlamaanka oo ah suldaanka.

Waxaa haboon haddii cid lala xisaabtamaayo in lala xisaabtamo suldaanka maadaama uu yahay shaqsiga soo xullay xubnaha baarlamaanka, waana in dadka uu magaceeda matallo uu ka soo gar baxaa; haddii uu cabashooyinka beesha uu suldaanka dhageeysan waayo waa in laga tashadaa, laakiin ma ahan in xalka laga raadiyo Garoowe.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*