30th April 2024  admin  Category :

Wadamo badan ayaa beddelay caasimaddii ay lahaayeen, iyagoona u guuray magaalo kalle. Hadaba, dalka Kazakhistaan oo kamid ahaa wadamadii Midoowgii Soofiyeeti ayaa caasimadooda waxeey ahaan jirtay magaalada Almaty. Hase ahaatee, waxaa caasimada dalkaas loo wareejiyey Astana sanadkiii 1997dii. Almaty waa magaalada ugu weeyn dalkaas, waxaana ay tahay maanta xarunta ganacsiga iyo dhaqanka ee dalkaas

Astana oo laga dhigay caasimadda ayaa maagacii laga beddelay sannadkan aan ku jirno ee 2019ka, waxaana loogu magac daray madaxweeynihii xilka ka deggay ee Nursultan, isagoona xilka dalkaas soo hayey tan iyo 1990kii. Nursultan ayaa dalkiisa wax badan ka beddelay taas oo ah sababta loogu sharfay in loogu magac darro magacii ay laheed caasimadda dalkaas ee Kazakhistaan.

Hadaba, Soomaaliya oo ay welli caasimadda u tahay magaalada Muqdisho ayaa ah meel lagu laayey dadkii deganaa magaaladaas, laguna boobay hantidoodii ayaa welli ah meel uu dhiiga uu ku daadanayo. Muqdisho waa mid la degtay ummadda Soomaaliyeed sumcadoodii, mana muuqato in ay dhawdahay ineey nabbad noqoneeyso maadaama dadka sheegta magaaladaas ayba yihiin kuwa aan nabadda dooneen.

Waxaa laga maarmaan ah si dadka ay maskaxda ugu degto in Soomaaliya ay yeelato  caasimad cusub taas oo lagu illaawayo wixii dhib ahaa ee dadka soo maray, bog cusubna u fureeysa nolosha dadka Soomaaliyeed, dawladdana ka dhigeeysa mid hesha dariiq ay ku shaqeeyn karto, iyadoo ka soo baxeeysa xabsiga ay ku jirto ee Madaxtooyada.

CAASIMADII HORE EE LAGA SOO GUURAY EE ALMATY, Kazakhistan

https://youtu.be/BSWPEG550lI

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*