27th July 2024  admin  Category :

Puntland ardayda wax ka barata waxeey soo isticmaalayeen shahaadada maamulkaas waqti aad u dheer. Hase ahaatee, markii la sameeyay dawaldda federaalka, ayaa waxaa soo baxay qilaaf ku aadan nidaamka waxbarasho, manhaj iyo shahaadada la isticmaalayo.

In la dajiyo sharci waxbarasho oo dalka Soomaaliya uu leeyahay waa mid loo baahan yahay, balse waxaa jira dad danno gaar ah wata oo doonaya in ay sammeeyaan nidaam waxbarasho kaas oo ah mid aan ka tarjumeen nidaamka federaalka.

Hadaba, shaqsiyaadka fedraalka diidan ayaa waxaa ka mid ah Farmaajo, Kheeyre iyo Goodax oo waqtigan ah wasiirka waxbarashada, dhammaantoodna waxeey doonayaan nidaam la mid ah kii dawladdii Kacaanka kaas oo ah mid aan waqtigan la jaan qaadi karin nidaamka federaalka ee la doonayo in dalka Soomaaliya laga hirgelliyo.

Tusaale, wasaaradda waxbarashada ee dawladda federaalka ee Mareeykanka shaqadeedu waxa uu yahay in ay xaqiijiso tayada waxbarashada ee dalkaas, ururinta xogaha ku aadan waxbarashada, sidii ardayda baahiyaha gaarka ah qaba ay u helli lahaayeen caawinta dhaqaale ee waxbarashada ku aadan, iyo in ardayda aan lagula kicin faquuq diineed, mid midab, mid jireen (dadka laxaadka la) iyo mid jinsi.

Hase ahaatee, mas’uuliyadda gobolada waxaa ka mid ah jaangooynta manhajka waxbarasho ee gobolada laga dhigayo, qaabka wax loo barayo ardayda, qalabkii wax lagu barayey ardayda, gobol kasta oo ka mid ah dalka Mareeykanka wuxuu leeyahay shahaadadiisa isaga u gaarka ah, dhaqaalaha ugu badan ee ku baxa waxbarashadana waxa uu ka yimaadaa gobolada dalka Mareeynaka.

Hadaba, waxaa is weeydiin leh meesha ay naga soo gashay shahaado ay leedahay dawladda dhexe taas oo ah mid aan ka tarjumeeyn nidaamka federaalka, waxaana ayaan darro ah in maanta ardayda Puntland loola dhaqmay si bahdil ah, iyadoona loo diiday ineey istimaalaan shahaadadii ay laheeyd Puntland. Hadaba, maxaa la gudboon dadka Puntland mar haddii aan lagu dhaqmeeyn nidaamka federaalka ah?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*