28th April 2024  admin  Category :

Sheeko kooban ayaa waxeey dhex martay labbo nin oo reer Hargeeysa ah ooo la kalla yiraah Maajid iyo Dacar. Hadaba, sheekadii dhex martay ayaa aheed sidan:

Maajiid:  Dacar ina adeer waan faraxsanahay

Dacar: Maxaad ku faraxsantahay?

Maajid: Aqoonsi baan helnay, waa nala ictiraafay;

Dacar: Xaggee ictiraafka laga helay?

Maaji: Ictiraafka waxaa laga helay xaafad ku taal magaalada Muqdisho oo la yiraah Xamar Jabjab;

Dacar: Inaa li laaah!

Maajid: Maxaa dhacay?

Dacar: Ma Xamar Jabjab oo xaafad ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa na aqoonsatay ayaad ku farxeeysaa?

Maajid: Oo soo taa Birmingham, Cardiff, iyo Sheffield aqoonsigooda Hargeeysa looga dabaaldagayo, maxaa Xamar Jabjab aqoonsigeeda ku jaban in loo dabaaldago?

Dacar: Ina adeer waxa oo dhan baa qaldan, adduunka dawladdo ayaa wax aqoonsada ee magaalo wax ma aqoonsato. Hadda, Ingiriiska waxa uu ka kooban yahay 51 magaalo haddii aynu ku wareegno imisa ayeey qaadan kartaa, miyaad welligaa adduunka ku aragtay cid leh magaalaa na aqoonsatay?

Maajid: Oo ma waxaad i leedahay aqoonsiga Xamar Jabjab iyo Birmingham waxba soo kordhin maayaan?

Dacar: Miyeeynu is carruurreenaa, mise weeynu is waalnaa? War reerkeenu siyaasadda weey ku dhex dawaqeen sidii qof dabaal aan aqoon oo bad weeyn lagu sii daayey;

Maajid: Maxaa nalloo waalayaa oo maalin kasta naloo hiyi kicinayaa oo nalloo leeyahay aqoonsi baad hesheen?

Dacar: Beesheenu waxeey rabtaa iyadoo aan aqoonsi ka raadin gobolada Sool, Sanaag iyo Awdal dadkeeda ineey aqoonsi ka raadiyaan meelo kalle; Anigu waxaan idin oran lahaa waqtiga yuusan idinkaga lumin sheekooyinka qayilaada lagu soo dhex dhiso.

Maajid: Ina adeeroow aniga maanta laga billaabo calanka buluuga ah ee Soomaaliyeed ayaan gurigeeyga ka taagayaa, waaba ku dawaqnay gooni goosadkan noloshii caadiga aheed naga dhex saaray;

Dacar: Soomaaliya wax noo dhaama ma leh; Anigu mar horre ayaan oggaaday in meesha sheeko la yiraah ma dhamaato lagu iibinyo, maalintii aan isaga baxay ayaana caafimaad iigu horreeysay, dadkeeyga Soomaaliyeed ayaana dhinac ka raacay.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*