29th March 2024  admin  Category :

Madaxweyne Farmaajo,  shirkii Qaramada midoobeyna waa ka baaqday, beesha Habargidirna  waa ku gacan sayrtay inay la kulmaan

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hor yimid baaqii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in shir deg deg ah isugu yimadaan madaxda dowlad gobolleedka Galmudug.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda Galmudug in ay ka soo qeybgalaan shir ka dhacaya madaxtooyada Soomaaliya oo la doonayo in lagu xaliyo khilaafka dhaxdooda ah.

War ka soo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay in aanay jirin Madax Galmudug oo is khilaafsan, wixii ka dambeeyay 18-kii bishan September, isla markaana mushikadaha ka jiray Galmudug ee siyaasadeed iyo amni ay ahaayee kuwo la abuuray oo laga soo maleegay Madaxtooyada Soomaaliya.

Wuxuu intaa ku daray in iyada oo la ixtiraamayo go’aankii shirka Kismaayo ee dowlad gobolleedyada xiligan suurtagal aheyn in ay shir u tagaan madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda federaalka ayuu ku eedeeyay in ay iska dhaga-marineyso Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in aanay jirin Madax Galmudug oo is khilaafsan, wixii ka dambeeyay 18-kii bishan September, isla markaana mushikadaha ka jiray Galmudug ee siyaasadeed iyo amni ay ahaayee kuwo la abuuray oo laga soo maleegay Madaxtooyada Soomaaliya.

Waa baaqii labaad ee madaxweynaha Soomaaliya oo lagu gacanseyro isaga oo horey ugu guuldareystay in uu shir isugu keeno madaxda dowlad gobolleedya.

Farmaajo muxuu uga baaqday shirkii Qaramada midobey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*