7th September 2024  admin  Category :

Ka waran Wiish aan soconayn ninka doonaya inuu u qaato  Dabaq  Dheer  uu degan yahay .

Ka waran nin  u socday  Gurigiisa oo ku yaal  Dabaq dheer oo loo raaco Wiish, haddii uu dhex fariisto  wiish aan shaqaynayn oo uu hadana  doonayo inuu gurigiisa ku tago,

Ka waran haddii koox kale oo dabaqa dheer dhinac ka deganaa ay iyaguna iyaga  oo og in wiishku shaqaynayn  ay kooxdii hore dhinac fariistaan oo sugayaan in wiishku kor u qaado.

Ka waran haddii koox sadexaad oo waalan oo  dabaqa dheer  dhinac ka deganaa ay iyaguna yiraahdaan, Wiishkii aan shaqaynayn ayaan qayb ka mid ah goosananaynaa, oo uu halkaa muran ka dhasho, murankaas oo ah Wiishka aan shaqaynayn waa kala goynaynaa iyo sidan ayuu inoo ahaanayaa

Intii  nimankani wiishka aan shaqaynanayn dhex fadhiyeen oo qaarkood lahaayeen   wiishka aan shqaynayn  ayaan qaybtayada  goosanaynaa, umaddii kale ee Cadaan lahayd, Madow lahayd, Indho yar lahayd iyo Hindi lahayd , waxay Isticmaalayaan Wiishashkii kale ee shaqaynayey ee Daartu lahayd. Waxayna is waydiinayeen dalka ay ka soo jeedaan  nimanka dhex fadhiya wiishka aan shaqaynayn,

Nimanka hore ee Wiishka aan shaqaynayn  dhex fadhiyey  ee sugayey  inuu kor u qaado, waa Reer Muqdisho oo aan dawladnimo diyaar u ahayn, caasimaddii Soomaaliyana ay afduuban tahay

Kooxda kale oo  iyaga oo og  in  Muqdisho dawladnimo ka shaqaynayn, hadana u soo doontay Wasiiro iyo Xildhibaano waa reer Puntland. Waxayna ku faraxsan yihiin inay dhinac fariistaan kooxdii hore ee aan dawladnimada doonayn

Nimanka Waalan oo wiishkii aan shaqaynayn  doonaya inay qayb goostaan waa SNM.

Nimanakan,  umadda inteeda kale is waydiinayaan oo dhex fadhiya wiish aan shaqaynanayn Waa Soomaalida.

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*