26th July 2024  admin  Category :

Suldaanka iyo inta kalle ee maalmahan joogay dhulka Isaaq ayaa ah dad denbi ka gallaya shacabka ay ka soo jeedaan. Waxaa dhab ah in SNMta ay yihiin cadaw doonaya ineey dad gumeeystaan, iyaga oo u maraya dariiq kasta oo u suurta gellinaya hadafkaas guracan.

Miyeey jirtaa meel Isaaq iyo bulshada kalle ay wax ku qeeybsadeen? Jawaabtu waa maya. Waxa ay sammeeysteen  SNMta dastuur iyaga u gaar ah, calan ay iyagu xardhadeen, lacag ay soo daabacdeen, hees calan oo iyaga u gaar ah, baarlamaan tiradiisa ay iyagu go’aansadeen.

Hadaba, qofka Warsangeli ee tagaya Hargeeysa, muxuu ka soo faa’iidayaa oo aan ka aheen dullinimo? Waxaase wax lala yaaba ah dadka iyagu taageeraya shaqsiyaadkaas. Waxaa xaqiiq ah, in shaqsigan Hargeeysa Tagey xooggaaga uu ka soo hello aysan noqoneen mid gaarta jilibka uu ka soo jeedo oo idil, balse waa wax ay dabka saaranayaan isaga iyo carruurtiisa. Hadaba, ma shaqsi xooggaa uu soo qaatay ayaa dadkii sharaftiisa oo dhan loogu baa’binayaa, dhulkii oo dhana loogu wareejinayaa beel cadaw ah oo kalla jareeysa dalka Soomaaliya.

Teeda kalle, jilibyada Warsangeli ee Hargeeysa raga u diraya ee aaminsan in Puntland ay ka waayeen kursi, sababtaas darteedna ay Hargeeysa carro u aadeen, aysan cidina waxba kalla maqneen, balse ay iyaga uun yihiin kuwa dullinimada miraheeda guranaya.

Kaba soo qaad ragaa Hargeeysa tagey in shaqsiyaad looga dhigay xubin baarlamaan, qaarna looga dhigay wasiiro, maxeey soo kordhinayaan ragaas xilalka loo magacaabay? Jawaabta oo sahalan waa waxba. Qof kasta oo wasiir noqda ama noqda xubbin baarlamaan, waxa kelliya uu u shaqeeysanayaa waa carruurtiisa.

Hadaba, xayawaanka qaarkii marka dabin loo dhigayo waxa dabinka loogu ridaa wax yaabo uu cunno taas oo uu jecel yahay si loogu dabbo, marka shaqsiyaadka SNM u tagey waa kuwo la siinayo tobban kun oo doolar oo xaqal jeeb ah, gaari Land Kuruuser ah, iyo maalmo loo sacabatumo taas oo ay ka danbeeyso dullinimo socota jiil illaa jiil iyo taariikh xun oo laga dhaxlo.

Midda kalle, waxaa jira shaqsiyaad oranaya maxaa nalaga rabbaa haddii aan nahay jilib hebel oo aan Hargeeysa tagno. Ma xumma inaad Hargeeysa tagtaan idinka oo dhan, laakiin waxa aad sidataan magaca guud ee qabiilkaas taas oo ah midda dhibeeysa dadka kalle ayna tahay in laga hadlo.

Gabagabadii, waxaa habboon in qalbiga saliimka ah uu shaqeeyo, la iskana illaaliyo wax kasta oo burburinaya sharafta bulshada, gacana siinaya cadawga Soomaali kalla jaraya ee u soo tafa xeetay in ay dad dhulkooda sheegtaan, dadkuna ay tahay ineey oggaadaa in irsiqa uu illaahay kafaalo qaaday, qofkana ay tahay inuu ka raadiyo meesha wannaagsan.

Allsanaag.com

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*